4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
XASAN SHEEKH: Wasiirradu waa inay Awoodda isugu Geeyaan Hir-gelinta HIIGSIGA 2016-ka


Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Kulankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay Maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka Qayb-galay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ku boorriyay Wasiirrada Taabo-gelinta Hiigsiga 2016-ka, isagoo kula Dardaarmay Golaha wasiirrada dhaqan-gelinta maamu wanaagga.

Xasan Sheekh ayaa wasiirada kala hadlay arrimaha Bulshada, nabadda, dhaqaalaha iyo marxaladaha guud ee dalku marayo, wuxuuna ku dhiirri-galiyay inay dadajiyaan hirgelinta Hiigsiga 2016, wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu Golaha ku booriyay inay hormuud ka noqdaan raadinta Soomaaliya oo midaysan oo leh nidaam federaal ah, iyo dar-dar galinta Gudiyadda Madaxa-bannaan ee Qaranka.

“Dhismaha Maamulada gobolada meel wanaagsan bay marayaan, horumar muuqda ayaana shirka ka socda Cadaado ee Maamulka loogu sameynayo Gobollada Dhexe laga gaaray. Waxaana ku xigi Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogol-xaarkooda iyo Wada-tashiyo ah lagu jiro. Dabcan arrimaha maamulka Jubbaland iyo tabashooyinka ka dhashay dhismaha baarlamaankaas iyaana waa lagu guda jiraa, waxaana filayaa in Guddiga Golaha Wasiirrada ee loo saaray arrintaas ay dhawaan xal ka gaari doonaan,’’ ayuu Xasan Sheekh yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Golaha Wasiirrada looga Fadhiyo in ay Dar-dar-geliyaan Barnaamijyada Horumarinta dalka, isla markaana ay jiri doonto isla Xisaabtan si hawlaha Qaranka ay u najaxaan.

Intaa kaddib, Wasiir-u-dowlaha xafiiska RW-ha ee Bay’ada, Burci Maxamed Xamza ayaa Golaha uga Warbixiyay Dhibaatooyinka sii Siyaadaya ee bacuhu ku hayaan deegaanka iyo sida bulshada iyo dowladu isaga kaashan lahaayeen Nidaam lagu Xakamayn karo.

“Sidaad og-tihiin Bacahu kuma jiraan waxyaabaha shiidma ama ay xoolaha calalin karaan, Sidaas awgeed markay cunaan waxay Sababaysaa in Caloosha iyo Xiidmaha kaga dhagto kaddibna neefkii uu sidaas Noloshii kuwaayo. Sidoo kale marka Bacaha ay biyaha badda dul-sabeeyaan waxay Hawada ka Xirayaan noole badan oo badda ku jira sida Kalluunka. Dhul badan oo ku haboon beerasho iyo deegaan ayaa looga tagay baco iyo qashin, waayo marka wax lagu beeray ayaa waxba kasoo bixi waayeen. sababtoo ah Bacaha waxay xani-bayaan macdanta,biyaha iyo hawada ay dhirtu ubaahantahay,” ayuu yiri Wasiir Burci.

Dhanka kale, Wasiirka xanaanada xoolaha Somalia, Siciid Xuseen Ciid ayaa Golaha uga Warbixiyay safar ay ku tageen dalka Masar, isagoona Faahfaahin ka siiyay Golaha heshiis is af-garad ah oo ay wada galeen wasiirada xanaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha iyo Wasiirka Kheyraadka Masar oo ay hoos yimaadaan Sadexdaas Wasaaradood.

“Waxaa ugu muhiimsanaa Qodobbada aan lasoo Saxiixanay Wasiirka Beeraha ee Masar, Dr. Salaax Hilaal in Suuqyada Masar loo furo dhoofinta dhammaan Xoolaha, Kalluunka iyo Wax-soo-saarka Beeraha Somalia, Fududaynta Sharciyada u Sahlaya Dowladad iyo ganacsatada gaarka ah dhoofinta iyo isu gudbinta ganacsiga, in gudaha Soomaaliya laga sameeyo Beer-wadaag ah oo Soomaaliya iyo Masar isla fuliyaan iyadoo dhinac walba leeyahay waajibaadkisa, iyo In laga caawiyo Soomaliya sidii dib loogu howl galin lahaa xarumihii iyo macaahidii farsamo ee Xoolaha, Beeraha iyo Kaluunka si loo helo jiil aqoon leh oo gudan kara waajibkooda,” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isagana sheegay in hay’adaha Amniga ay sameeyeen diyaar-garow looga hortagayo weerarada ka imaan kara Kooxaha Nabad-diidka ah Bisha Ramadaan, Waxaana sidoo kale Goluhu uga mahadceliye Dowladda Imaaradka Carabta qalabkii ay shalay Guddoonsiisay Hay’adaha Amniga iyo taageerada ay la garab-taagan yihiin Somalia.

Si kasta ha ahaatee, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay Qabsoomida Imtixaanka Shahaaddada Dugsiga Sare oo ay wasaaradda waxbarashadu sheegtay inay dalka oo dhan mar qura ka Qaadayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya