4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Wasaarada Arrimaha gudaha & Gudiga farsamada Shirka degmada Cadaado oo Eedeyn loo Jeediyay

Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Ergooyinka ka Qayb-galaya Shirka Cadaado ka socda ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Farsamada shirka inay marin-habaabinayaan shirka maamulka loogu dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Shir jaraa’id oo ay Xubnahan ku Qateen Cadaado ayaa Dalbaday in loo Ergada Shirka loo madax-banneeyo howlahooda oo aan faragelin lagu sameyn, lana joojiyo cadaalad-darrada lagu sameynayo beelaha qaarkood.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo marin-habaabinta lagu hayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado ka socda. Waxaa kaloo dalbanaynaa in lagu soo celiyo shirka waddadii uu horay ugu socday. Waxaan kaloo dalbanaynaa in la joojiyo fargelinta ay shirka ku hayaan guddiga farsamada iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha,” ayay ergooyinku ku sheegeen Shirkooda Jaraa’id.

Ergooyinka qaarkood ayaa sidopo kale sheegay inay jiraan ergooyin aan sax ahayn oo la siiyay kaarar been-abuur ah. Taasoo sababtay bay yihraahdeen in sidii uu ku socday shirka uu ku yimaado jahwareer.

Hadalka Ergadan ayaa imaanaya xilli dhawaan laga furay magaalada Cadaado wajiga labaad ee shirka, kaasoo lagu doonayo in lagu soo dhiso maamul ay wadajir u yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Xubnaha shirka ka qaybgalaya ayaa dhawaan isku khilaafay dastuurka maamulkaas uu yeelanayo oo qabyo ahaan loogu qaybiyay si ay uga soo talo-bixiyaan, iyadoo ay tani qayb ka tahay murannada shirkan caqabadda ku noqday.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Cadaado, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii ay shirka ugu soo biirin lahaayeen beelo ka maqan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya