4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2015
Xukuumadda Imaaraadka Carabta oo Gaadiid Ciidan ugu Deeqday Booliiska Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 11, 2015 (HOL) — Xukuumadda isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Qalab iyo gaadiid ciidan oo ay ugu deeqday booliiska Somalia ku wareejisay Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah kuwa gaashaaman ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu xoojiyo Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay dhismaha safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho lagu soo bandhigay gaadiidkan deeqda ah.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi ayaa sheegay in gaadiidkan ay ugu talo-galeen in lagu horumariyo Booliska Somalia si ay howlahoocda sugidda amniga ah u xoojiyaan.

Sidoo kale, taliyaha booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay isaguna goobta ayaa sheegay in qalabkan lagu xoojinayo ciidanka booliiska Soomaaliyeed, isagoo uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka Agabkan ay ugu deeqday booliiska Somalia.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin deeqda Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya, isla markaana ay si gaar ah uga mahadcelinayaa gaadiidka ay booliiska Soomaaliya ugu deeqeen.

Ugu dambeyn, qalabkan loogu deeqay booliiska Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dhawaan dowladda Imaaraadku ku wareejisay Maamulka Jubbalanad gaadiid gaashaaman, waxaana deeqdaas ay ahayd tii u horeysay oo Dhinaca ciidamada ah oo ay Imaaraadka siiyaan Jubbaland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya