4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Al-shabaab oo Shuruud Adag ku Xirtay sii daynta Sarkaal Kenyaan ah oo ay Gacanta ku hayaan


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa Shuruud Adag ku Xirtay inay sii dayso sarkaal ka tirsan booliska Kenya oo xoogagga Al-shabaab ay gudaha dalka Kenya kasoo qafaasheen sannado ka hor.

Sarkaalkan oo lagu Magacaabo, Frederick Chirchir ayay Al-shabaab soo Qafaasheen Bishii May sannadkii 2013-kii, iyagoo shuruud ku xiray sii-dayntiisa , Sida ay ehellada sarkaalka u xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya.

Aabbaha dhalay Fredrick  oo lagu magacaabo, Joseph Maritim ayaa sheegay in Al-shabaab ay lasoo xiriireen, ayna muddo shan daqiiqo ah wadahadlayeen. Wuxuuna sheegay inay ku xireen sii daayaan wiilkiisa in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

“Waxay iga dalbadeen Al-shabaab in xukuumadda Kenya aan ku Cadaadinno inay kala soo baxdo ciidankeeda Somalia, iyagoo ii Sheegay in Fursadda ugu dhow ee lagu sii dayn karo wiilkayga ay tahay middaas,” ayuu yiri Maritim.

Sidoo kale, Maritim ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay ku Adkeysteen Shuruudda intiii ay Taleefoonka kuwada hadlayeen, wax kaloo shuruuddaas dhaafsanna aysan muddadaas u sheegin.

Joseph Maritim ayaa ku eedeeyay Dowladda Kenya inay ka Gaabisay inay Wiilkiisa kasoo dayso gacanta Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadda inay dhaqaalihii ka jaratay wiilkiisa.

Ugu dambeyn, sarkaalkan Kenyanka ah ee gacanta ugu jira Al-shabaab ayay da’diisu tahay 58-sano jir, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn halka ay Al-shabaab ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore xukuumadda Kenya ka dalbatay inay ciiamadeeda kala baxdo Somalia, iyadoo mas’uliyiinta dalkaas ay ku gacan-sayreen dalabkaas, iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay dowladda Kenya ka bixisay shuruudda ay Al-shabaab ku xirtay sii daynta sarkaalkoodaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya