4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland oo Maanta Jawaab ka bixyay Eedeyntii Jeneraal Gaafoow


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf Cambaro ayaa maanta ka Jawaabay eedeentii uu soo Jeediyey Taliyaha Waaxda Socdaalka Somalia, Jen. Gaafow oo ahayd in Madaaarka Hargeysa laga soo celiyey Shan Qof oo Soomaali ah oo Muqdisho ka tagay.

Taliyaha Socdaalka Somaliland ayaa sheeegay inaysan aqbali doonin qof aan sharci haysan inuu Somaliland soo galo, isagoo xusay in Shantii Ruux ee ay Caliyeen aanay haysan Wax Docomanti ah, hase yeeshee ay sii daayeen wixii kale ee Sharci haystay.

“Way jiraan dad aanu ka celinay Madaarka Hargeysa, dadkan waxay ka mid ahaayeen 45 qof oo kasoo degay Madaarka Hargeysa, kaddib markii aan baarnay 40 ka mid ah waxay siteen docment lagu socdaalo ama lagu gudbo, balse shanta qof oo dadkaas ka mid ah may haysan aqoonsi ama docmenti lagu safro, sidaa awgeed ayaan uga celinay Madaarka markii aanu ka weynay wax docmenti ah oo ay ugu kala safraan Somaliland iyo Somalia,” ayuu yidhi Cambaro oo ka hadlayey shan qof oo dib loogu celiyey Muqdisho.

Waxaanu intaas ku daray“ waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Somaaliya in aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo isku safra si sharci ah. Sidoo kale dadweynaha ka yimaada Itoobiya ama dalalka kale wixii aan fiise sharci ah sidan ama ogolaasho waanu celinaa, waxaanu noola mid yahay dalka Somaaliya dalalka aanu jaarka nahay.”

Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Waxaanu aaminsanahay haddaanu nahay Somaliland in cidii dalka soo gelaysa, goobaha sharciga ah ee laga soo dego docment sharci ah lagu soo galo, aqoonsi inuu qofkan yahay Somalilander ama ajaanib cadaynaya jinsiyadiisa, inuu Somaliland yahay, inuu Soomaali yahay ama uu Itoobiyaan yahay iyo inuu Yemeni yahay  waana in qofku sitaa cadayntiisa dadnimo, had-daanu sidan anagu ama aamini karno wakhtigan si aanu u ilaalino amnigayaga qofkan wax cadaynaya, sidaa darteed ma ogolin in Jamhuuriyada Somaliland qof bilaa sharci ahi soo galo”.

Mar la waydiiyey in Shantaan qof ee la celiyay ay Sabab u tahay Ruux watay Baasaboorka Somaliland oo Muqdisho lagu xiray kaga aargoosanayeen dadkan la soo celiyey ayaa kaga jawaaby “Cumar Jaamac waxa laga qaaday Baasaboorkiisii Somalilanderka ahaa ka dibna waxa lagu xidhay Muqdisho, laakiin anagu arintaasi kuma xiriirinayno oo baasaboorkeena meel walba waa lagu taga, haseyeeshee waxaanu anagu celinay uun dad aan sharci haysan xiitaa lama cadeyn karo dadkaasi inay Somaliland yihiin iyo in Soomaalida kale ay yihiin qofna waxaa lagu aqoonsada waa Docemanti maanay haysan”.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa hadal taliyaha socdaalka Soomaaliya Jen. Gaafow sheegay in Shan qof oo Soomaali ah dib loogu soo celiyey Muqdisho, taasoo uu ku Tilmaamay sharci-darro aan loo dul-qaadan Karin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland