4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkaan oo diiradda lagu saari doono Amni-darada Afrika


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Shir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika ee sanadkan oo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika lagu qabanayo ayaa diirada lagu saari doonaa cirib-tirka saboolnimada iyo Amni-xumada ee ka jirta Qaaradda Afrika.

Shirka oo Axaddii ka furmay Pretoria intaan loosoo wareejin Johannesburg ayaa la filayaa in sidoo kale looga hadlo khatarta kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab oo ka dagaalama dalalka Nigeria iyo Soomaaliya.

Gideon Chitanga oo macallin ka aha Jaamacadda Johannesburg ayaa sheegay inay ka doodi doonaan Hoggaamiyeyaasha Afrika Xalka Rasmiga ee Khatarta Xag-jirnimada Qaarada ka jirta iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda Xag-jiriinta.

Ka hadlidda khatarta kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay kaalinta hore kaga jiraan, iyadoo looga fadhiyo Hoggaanka Afrika inay isku Af-gartaan Habka ugu Habboon ee Awoodda kooxaha loo baabi’in lahaa.

Sidoo kale, Ajandayaasha kale ee Shirka looga Hadli doono ayaa Waxaa ka mid ah Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Qaaradda Afrika iyo sidii Waxbarashada dalalka Afrika loo Horumarin lahaa.

“Waxaa shirka diiradda lagu saari doonaa, xoojinta awoodda haweenka iyo sidii loo wajihi lahaa khataraha Ammaan ee Qaaradda ka jira,” ayuu yiri mas’uul sare oo ururka  Midowga Afrika ka tirsan.

Xeel-dheere ka Faallooda Arrimaha Qaaradda Afrika, David Zounmenou ayaa Sheegay in aysan ku deg-degi karin Hoggaanka Afrika ka hadalka muranka ku saabsan madaxtinimada Burundi, iyadoo Madaxweynaha dalkaas uu doonayo inuu mar saddexaad xukunka dalkaas qabto, taasoo ay shacabku diiddan yihiin.

“Fikir ahaan Waxaan qabaa in Haddii aysan Hoggaamiyeayasha Qaaradda Afrika go’an ka qaadan arrinta ku saabsan kallitalisnimada Afrika ka jirta, madaxda kale waxay ku dhiirran doonaan inay Tallaabadaas oo kale ay qaadaan,” ayuu yiri David Zounmenou.

Inta badan Hoggaamiyeyaasha Afrika oo Shirka ka socda Johannesburg ku Biiri doona 14-ka bishan Juun ayaa laga sugayaa inay Xal ka gaaraan Dhibaatooyinka ka Taagan Dalalka Koonfurta Suudaan, Liibiya, Somalia iyo Nigeria oo la sheegay inay caqabad ku noqdeen in Afrika horumar la gaarsiiyo.

Shirka Midowga Afrika ee sanadkan ayaa waxaa shir-guddoominaya madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah guddoomiyaha Midowga Afirka ee Sannadkan, wuxuuna xilka dalkiisa hayaa muddo 30-sanadood ah.

Ugu dambeyn, madaxda Shirka ka Qayb-galaysa sheegay in sidoo kale diiradda la saarayo colaadaha ka jira dalal ay ka mid yihiin Burundi iyo Maali.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya