4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Dalbaday inuu ka mid Noqdo Baarlamaanka Bariga Afrika


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka waddamada Bariga Afrika, Daniel F. Kidega waxaana kulan ka dhacay Kampala ay kaga wadahadleen Wada-shaqeyn dhex-mara labada Baarlamaan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay codsiga Xubbinimada Soomaaliya ay u dirtay ururka iskaashiga dalalka Bariga ee EAC, kaasoo aan wali wax go’aan ah laga gaarin, balse loo saaray guddi heer wasiirro ah oo kasoo baaran-dagaya.

Prof. Jawaari ayaa xusay inay muhiim tahay in Wadahadallada labada dhinac ay mar kasta furnaadaan illaa inta Soomaaliya ay Xubin buuxda ka noqonayso Baarlamanka iyo Ururka Is-kaashiga Bariga Afrika.

Ururka Bah-wadaagta Bariga Afrika waxaa xubno ka ah dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Burundi, iyadoo Dhawaan ay Codsadeen Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasoo aanan wali loo ogolaan inay ka mid noqdaan.

Balse, Wararka ayaa Sheegaya in Soomaaliya ay haysato Fursado badan oo ururka EAC ay uga mid noqon karto, iyadoo sababta lagu sheegay amniga Soomaaliya oo sidii hore ka soo hagaagaya, Waddamadana ay dadaal xooggan ku bixinayaa sidii Amniga guud ee Somalia loosoo celin lahaa.

Waddanka Koonfurta Suudaan ayaa laga muujinayaa Rajo-xumo kaddib markii ay dagaalo Sokeeye ka billowdeen Waddankaas, iyadoo Xaalada amni ay Dalkaas ay sii Xumaanayso Dagaalladuna ay kusii baahayaan.

Ugu dambeyn, ka mid noqoshada Soomaaliya ee Bah-wadaagta Bariga Afrika ayaa waxay ka dhigan tahay Is-dhexgal Ganacsiga, Dadka iyo Weliba is-kaashi Dhinacyo badan leh oo Hadda Dalalkaas ka dhaxeeya, iyadoo uu jiro Baasaboor kawada dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya