4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
FARMAAJO: Dowladda Hadda jirta Waxay ahayd in ay Muhiimadda siiso ammaanka (DHAGEYSO)


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, ayna u harsan tahay dowladda hadda jirta muddo hal sano ah, isagoo xusay in laga sugayo inay howlo badan oo horyaalla wax ka qabato.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda hadda jirta ay ka gaabisay wax ka qabashada Amniga, taasoo uu xusay inay ahayd arrintii ugu weynayd ee ahayd in la saaro diiradda ayna wax ka qabato.

“Waxaa laga Filayay Dowladda Xasan Sheekh in Arrimaha Amniga ay Muhiimad gaar ah siiso, Aniga waxaan qabaa in laga gaabiyay, waayo ciidamadu ma haystaan agab, mushaar iyo daryeel midna, wax walbana waxaa Aasaas u ah Amniga, arrimahaas wali waxba kama aysan qaban,” ayuu yiri Farmaajo.

Su’aal ahayd sida ay Dowladdu Wax uga Qaban karto Amniga oo la weydiiyay ayuu kaga jawaawbay; in laga doonayo dowladda inay kalsoonida shacabka abuurto, isla markaana ay hanato kalsoonidooda, taasoo ka horjoogsan lahayd Al-shabaab inay shacabka kusoo dhex-dhuuntaan oo ay dhibaato geysataan.

DHAGEYSO: Wareysiga RW Hore ee Soomaaliya FARMAAJO uu Siiyay BBC-da

“Dowladda waxaa laga rabaa inay ka Shaqeyso sidii ay Kalsoonida Shacabkeeda u kasban lahayd, sidaad la socoto dagaalkii fool ka fool ahaa waa dhamaaday, Al-shabaab markii ay Xamar dhex-fadhiday ayaa ahayd markii ugu darnayd. Balse markii dibadda looga saaray ayay billaabeen dhuumaaleysiga, iyagoo shacabka ku soo dhex-dhuumanaya. Marka haddii dowladdu xoogga saari lahayd inay shacabka kalsoonida kasbato, ballamadii ay qaadayna fuliso, Shabaabku kuma soo dhex-dhuuman shacabka, Xamarna ma joogi lahayn,” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Waxaa kaloo Wax laga Weydiiyay Arrimaha Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Laga dhisayo dalka, isagoo xusay in howlaha maamul u sameynta siyaabo kala duwan wax looga qaban karay, iyadoo Dastuurka la raacayo, Sida uu yahayna loo Fasirayo, in Maxkamadda dastuuriga ah la sameeyo, taasoo uu Xusay inay tahay halkii lagu kala bixi lahaa, haddii uu muran yihiin, balse aan weli la dhisin.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa sheegay in howlaha Dowladdu iminka qabatay ay ka mid yahay sameynta guddigii doorashooyinka iyo guddiga Dastuurka, taasna ay tahay wax Wanaagsan.

Dhanka kale, mar uu soo Hadal-qaaday Arrinta Mooshinkii Baarlamaanka Jubbaland laga keenay ee uu dhawaan uu Ansixiyay Baarlamaanka Somalia iyo muranka ka dhashay ayuu xusay in ugu horreyn billowga howsha Jubbaland iyo habka maamul u sameynta ay wax ka xumaadeen, isagoo xusay in qodobka habka loo dhisayo maamul-goboleedyada ay ahayd in qayb laga siiyo baarlamaanka, taasna ay haatan dhib badan ka taagan tahay sida ay wax u socdaan, sida midda ka taagan Gobollada Dhexe.

Ugu dambeyn, Farmaajo oo sannadkii 2012-kii ka mid ahaa musharaxiintii isku soo taagay Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya ayaa mar kale Sheegay in uu yahay Musharrax u Taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya Sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya