4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Kooxo hubeysan oo Xalay Baydhabo ku dilay laba haween ah oo ka mid ahaa Shacabka Degmada


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo Dhawaanahan ay ka dhacayeen dilal loo geysanayo Culumaa'uddiin, Waxgrad iyo Wariyeyaal ayaa xalay lagu dilay laba haween ah oo mid ka mid ah ka Shaqeynaysay Tallaalka Dabeysha, iyadoo mid ka mid ah oo uu dhaawac gaaray ay ku geeriyootay isbitaalka Baydhabo.

Haweenkan xalay lagu dilay Baydhabo ayaa lagu kala magacaabi jiray, Nuuriye Cali Nuur iyo Aamina Xaydar, inkastoo aan la ogeyn sababaha loo beegsaday labadaan dumarka ah, iyadoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu dilay Baydhabo saddex haween ah oo ku noolaa xaafadda Siligga ee degmada Baydhabo.

Degmada Baydhabo ayaa toddobaadkan gudihiisa lagu dilay Taliye ku xigeenkii Saldhigga Booliiska Baydhabo, Caliyow Salaad, iyadoo isla goobta lagu isna lagu dilay ninkii toogtay taliye ku xigeenka.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa inta badan Baydhabo ka dhaca Dilal Qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo ka tisran Al-shabaab oo magaalada soo gala, kuwaasoo habeen weerar guri uu lahaa Mad-gab C/llaahi Xaamud oo ganacsade ah, inkastoo rasaas la is-dhaafsaday ay fashilishay isku-daygii la doonayay in lagu qaarjiiyo Ganacsadaha.

Ciidamada Ammaanka Baydhabo ayaan illaa hadda ka hadlin Sababaha loo dilay labada Haweenka ah ee Xalay lagu toogtay Baydhabo, mana jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkooda.

Hiiraan Online, Baydhabo