4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
Waraabayaal Dad rayid ah ku Weeraray Deegaan Waqooyiga Kaga beegan Magaalada Laascaanood


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Waraabayaal duullaan ah ayaa dad ku dileen halka lagu magcaabo Abbeesaleey oo qiyaastii 20-km ka badan Laascaanood kaga aadan dhinaca Waqooyi.

Duullaankan ayaa waxay waraabayaashan ku dileen gabar yar oo Saddex Sano jir ahayd, iyagoo ka qaatay sida ay noo sheegtay Ubax Cabdi Maxamed “Bulunbul” oo habaryar u ah gabdha gudaha aqal Soomaali; iyadoo ay Qaylinayaan Hooyadeed, Aabbaheed iyo Caruurtii la dhashay.

Isku-dayo badan oo dadku sameeyaan ayaan lagu guulaysan in laga badbaadiyo gabadha yar, taasoo dhaawac ku keentay hooyadii gabadhaas yar dhashay oo illaa hadda aan caafimaadkeedu fiicnayn sida ay HOL u sheegay, Faadumo Warsame Cabdi Qaal oo Ayeeyo u ahayd gabadha Qaraabuhu qaaday.

Gabadhan yar ayaa noqonaysa tii labaad ee isla reerkan uu ka qaato Waraabe xilli haatan sannad laga joogo; xilligaasoo weerar xoog ah kaga qaaday wiil ay ayeeyo u tahay Faadumo Warsame oo ilmahana ayeeyo u ah.

Duullaanka Waraabaha oo la sheegay in uu bilihii u dambeeyey ku wajahnaa dadka dega deegaanka Adhi-cadeeye, iyadoo dadka Qaarkii sheegayaan in Colaad lagula kacay Waraabaha ay salka ku hayso duullaanka haatan salfaday gabadha yar.

Ugu dambeyn, Maxamuud Bille ayaa HOL u sheegay in Waraabuhu uu hadba meel isku urursado oo reero duulaan ku kiciyo, balse badanaa difaac looga toog-hayey lagaga badbaaday iyagan waxyeelo loogu geysto, waxaanu sheegay inaanu xoolaha eegin ee uu si toos ah dadka u abaaro.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool