4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 10, 2015
XUSEEN CIRFO: Koox Fallaago ah ayaa Weerartay Dhuuso-mareeb mana ahan Ciidanka Ahlusunana


Arbaco, Juun 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay inay dhawaan dib ugu laaban doonaan magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo Axadii lasoo dhaafay ay la Wareegeen Xoogag Taabacsan Ahlusunna Waljamaaca.

Xuseen Cirfo ayaa sheegay in koox fallaago ah ay qasabtay Dhuuso-mareeb, balse aysan ahayn ciidamada Ahlusunna, isagoo xusay in dhawaan gacanta maamulka gobolka ay dib u soo cesha doonaan.

“Fallaago ayaa qabsatay degmada ee ma qabsan Ahlusunna. Deegaan nabadoonna kuma duusho Ahlusunna, waxaana dhawaan rajeyneynaa in Dhuuso-mareeb ay dib gacanteenna ugu soo laaban doonto,” ayuu yiri Xuseen Cirfo oo ku sugan Degmada Cadaado.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in Dhuuso-mareeb ay tahay Xarunta Maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in degmadaas oo horumar uu ka socday lagu soo duulo.

Cirfo ayaa xilligii Ahlusunna la wareegayeen Dhuuso-mareeb ku sugnaa magaalada Jigjiga ee deegaanka Ismaamulka Somalida Itoobiya, halkaasoo ay ka wadahadallo ku lahaayeen.

Ugu dambeyn, hadalka Xuseen Cirfo ayaa imaanaya iyadoo Ahlusuna ay isku ballaariyeen deegaanno ka tirsan Galguduud, kuwaasoo ay shalay la wareegtay, iyadoo aysan weli wax jawaab ah bixin dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya