4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
Qeybaha bulshada ku dhaqan Kismaayo oo ka dooday dastuurka cusub ee Jubbaland


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Kulan maanta ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen gudiyada loo xilsaaray soo qorista dastuurka maamulka Jubbaland, madax ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa looga dooday arimo la xiriira dastuurka cusub ee maamulka Jubbaland.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah sida haweenka, dhalinyarada, gudoomiyeyaasha xaafadaha Kismaayo, odoyaal dhaqameed, culumaa'udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa siweyn looga dooday sida bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ay u aragto dastuurka cusub ee maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo kamid ahaa madaxdii ka hadashay madasha ayaa ka sheekeeyay muhiimadda uu leeyahay dastuurka, isagoo sheegay in la doodayo in bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland ay araahdooda ka dhiibtaan dastuurka cusub ee la doonayo in la sameeyo.

Dhammaan dadkii goobta ka hadlay ayaa waxa ay sharaxaad ka bixiyeen sida ay muhiim u tahay in dastuurkan cusub la dhiso, iyagoo sidoo kale talooyina u jeediyay gudiyada kala duwan ee ku howlan sameeynta dastuurka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.