4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2015
Jaaliyada Mudug & Galguduud ee gobolka Minnesota oo taageeray Axmed C/salaam (SAWIRRO)


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Jaaliyadda gobolada dhexe ee magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalkan Mareykanka ayaa Taageertay Musharraxa Madaxweynaha maamul goboleed  Mudug iyo Galguduud Axmed C/salaam XaajibAadan oo todobaadkan  ku dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Danjire Axmed C/salaam oo kulankan qadka telefoonka uga soo qayb-galay ayaa sheegay in sababaha ku kallifay ka qeybgalka doorashada Madaxweynaha Mudug iyo Galguduud ay ka mid yihiin dhibaatooyin  badan oo ka  jira gobolada dhexe ee dalka, kuwaas oo u baahan xal deg deg ah.

“Dhawaan waxaan u socdaa xarunta shirka ee Cadaado, waxaana ahay musharrax” ayuu yiri Axmed oo inta ku daran “Inaan u tartamo hoggaanka gobolladaas waxaa igu dhiirra galiyay dad badan oo deegaanka ka soo jeeda, kuwaas oo aan isku aragti ka nahay waxqabadka iyo fikirka ku dhisan horumarinta Mudug iyo Galguduud”

Xubnihii soo qaban-qaabiyay kulankan waxaa ka mid ahaa Dalmar Xaashi iyo Raaxo Warsame waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb galka tartanka  madaxtinimada ee Shirka Cadaado ee Axmed C/salaam.

“Waxaan u aragnaa inuu yahay nin karti leh oo ka soo bixi kara waajibaadka gobolada dhexe” Ayuu yiri Dalmar Xaashi.

Sadiq Warfaa oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan taageerada Axmed C/salaam ayaa yiri “Haddii xal iyo hoggaamiye wanaagsan loo helo gobolada dhexe - waddanka intiisa kalena xal waa loo heli karaa”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Galguduud Yusuf Xasan Ciyoow ayaa isna sheegay in qof kasta oo ku guuleysta xilka gobolada dhexe ay u taallo shaqo adag oo u baahan karti iyo hufnaan.

Waxaa kale oo ka hadlay Ugaas Yusuf Xasan, Ugaas Ismaaciil, Suldaan Cusmaan Koofi, Xaashi Jaamac Cigaal, Bashiir C/llaahi,  C/salaam Xassan Guuled, Muniira Cali Maxamed, Cali Abshir Ganey, Axmed Xirsi, Maxamed Cali iyo Cusmaan Cumar, waxayna dhamaantood ammaaneen habsami u socodka shirka maamul u sameynta gobolada dhexe oo wajigiisaa labaad uu ka socdo magaaladda Cadaado ee xunta Ximan iyo Xeeb.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis, Minnesota