4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2015
QAYBTA SADDEXAAD: Wareysigii uu Col. Jeelle siiyay HOL oo uu kaga Warramayo Horumarinta


Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) — Wareysigii uu Col. Cismaan Maxamed Jeelle siiyay HOL ayuu maanta kaga hadlayaa Horumarinta uu dalka ka sameeyay xilliyadii uu ahaa wasiirkii Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Duqii Magaalada Muqdisho.

Qaybtan saddexaad oo ah qaybtii ugu dambeysay wareysiga ayaa ku billaabatay sidan:

HOL: Maxaa lagugu Xasuusan karaa oo aad dalkan u soo qabatay, bal inooga sheeg Wixii aad Xasuusato?

JEELLE: DHANKA CIIDAMADA: Wacdarihii aan aniga iyo ciidankeeygii ka muujinay dagaalkii ay nagu soo qaadday Itoobiya 1964-tii, halkaasoo aan jab ugu geysannay innagoo dhignay, meydadka ciidankii Itoobiya 74 ka mid ah gudaha Soohdinteena oo ay soo galeen ayay yaalleen, intii kalane way kala firxadeen.

DHANKA MAGAALADA MUQDISHO: (I) Habeyntii xaafadihii isku raranta ahaa. (II) In aan ka dhigay Waddooyinka Maka Al-mukarrama iyo tan Madiina Al-munawara kuwo laba jiho loogu socon karo. (III) Dhisida & u magac-bixinta 13-kii degmo oo ay Muqdisho ka koobnayd waqtigaas. (IV) Dhisidda Suuqyada magaalada oo uu ugu horreeyo midka Xamarweyne. (V) Dhisidda wadooyin isku-xira Magaalada sida labada waddo ee Tanzania iyo Uganda oo dul-mara jidka Anzalooti ee degmada Waaberi. (VI) Ka dhigistii Taksiyada maalin dhaaf oo kala ahaa A & B. (VII) Kor u qaadistii dakhliga Dowladda Hoose 300% iyadoo aan wax canshuur ah la kordhin. (VIII) Abuuristii Gaadiid Dadweyne oo ay lahayd Dowladda Hoose oo Qiimo jaban lagu raadi jiray, dadweynaha dan-yarta ahna u fududeeyay inay ku gaaraan meel walba oo ay doonayaan.

DHANKA WASAARADA XANAANADA XOOLAHA: (1) U sameynta qaab dhismeed Wasaarad oo aysan lahayn, inkastoo ay horay u jirtay. (2) Ballaarinta Awooddii Wax-soo-saaar ee Machadkii Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Xoolaha iyo Gaarsiinta awooddiisa wax-soo-saar 120 Kalkaaliye sannadkiiba, halkii ay horay uga ahayd 40 Kalkaaliye oo keliya. (3) Sameynta saddex oo gurmadka caafimaadka ah, kuwaasoo midkiiba uu ka koobnaa 5-gaari oo ay la socdaan kalkaaliyeyaal uu qalabdkoodu u dhan yahay oo kuwa wareega Gobollada ay xooluhu joogaan kuma soo daweeyaan halkooda. (4) Dhisidda meelo lagu xannaayeeyo digaagga soo saara ukunta ay u baahan tahay magaalada iyo sidoo kale meel soo saarta digaagga hilibka leh. (5) Aasaasiddii masharuuca bacaad-celinta Shalaanbood iyo ku guuleysashadii joojinta bacaadkii halista ku hayay inuu waddada xiro una gudbo dhul beereedka ku yaalla illaa Jannaale. (6) Habeyntii Iskaashatada dhuxuleeyda iyo ugu dambeyntii shirkadda gaadiidka ee FIAT si gaadiidka ay magaalada ugu soo daabulaan dhuxusha loo baahan yahay, waxaana imid iyadoo magaalada ay ka taagan tahay dhibaato dhanka dhuxusha ah.

HOL: Shir Nabadeedka Gobolka Hiiraan ka socda sideed u aragtaa?

JEELLE: Shir Nabadeedkaka Hiiraan: Waa la socdaa in shir beeluhu ku heshiinayaan uu ka socdo obolka Hiiraan, ugu horreynna waxaan ka tacsiyeynayaa qoysaskii ay ka baxeen iyo ummadda Soomaaliyeed raggii qiimaha lahaa ee sida arxan-darrada iyo xaq-darrada ah loogu laayay Gobolka, haddii ay ahaan lahaayeen kooxo-kooxo ama keli-keli, iyagoo ka shaqeynayay danaha gobolka iyo guud ahaan danta dadka Soomaaliyeed.

Intaa kaddib waxaan leeyahay leeyahay shacabka gobolka Hiiraan ku nool; Walaalayaal inkastoo aan muuqaal ahaan idinka fogahay haddana maskax iyo maan ahaanba waan idin la joogaa oo wixii heshiis wanaagsan ah oo aad gaartaan ee ah waxyaabihii horay loo kala tirsanayay waan ku farxay; wixii is-faham darro ah oo idinka dhex-dhacana waa mid aan aad uga xumaanayo ee Alle Towfiiqda ha idin waafajiyo; waxaana doonaynaa inaan idin ka maqalmo wax inagana na farxad-geliya, idinkana aad ALLE uga helaysaa Ajar badan.

Alle Subxaanahu Wa-tacaalaa; Wuxuu ina faray inaan ka Heshiinno wixii dhexdeena aan iska tirsanayno, wuxuuna Qur’aankiisa ku yiri; (فإتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم)… Marka dadaala Alle ha idin la jiree  oo dhista maamulkiinna waxaa idin deeqaya ma ahan madaxtinnimo ee waa maamul Wanaagsan ee Ogaada anigana Waxaan maanta idiin heli karo waa inaan Alle idiinka baryo inuu toowfiiqda idin haleeshiyo, waayo wax samada kasoo daga waxaa ugu wanaagsan towfiiqda.

Dhammaad

Ibraahim Cumar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia