4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Xukuumada Somalia oo Maanta ka dooday wixii u qabsoomay lixdii Bilood ee ay Shaqeynaysay


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa ka warbixisay wixii u qab-soomay muddadii lixda bilood ahayd ee ay jirtay, kaddib kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somalia ay manta ku yeesheen Muqdisho.

Shirkan oo uu shir-guddoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid ayaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubaha golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray Waxqabadka Xukuumadda muddadii ay shaqeynaysa.

Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kulanka kaddib qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in muhiimadda shirka Golaha Wasiirrada uu ahaa in la Qiimeeyo waxqabadka wasaarad walba oo xukuumada ka tirsan, isla markaana  uu jiro isla-xisaabtan adag oo ku saleysan maamul-wanaag.

Sidoo kale, Maareeye ayaa tilmaamay in Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay dood kulul ka yeesheen arrimaha Amniga Qaranka, gaar ahaan sidii loosoo Gunaanadi lahaa lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhawaanna Tallaabooyin Arrintan la xiriirana laga Fulin doono meelo Qorsheysan.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa Sheegay in Aragtidii uu Maamulka Puntland ka bixisay dhismaha maamulka Galmudug ay xal ka gaari doonaan hay’ado dastuuri ah, ayna Dowladda Federaalka Somalia diyaar u tahay in hannaan siyaasad oo ay ku dheehan tahay xasiloon ay ku dhammeyso Arrimahaas oo dhan.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa jirsatay Lix bilood, waxaana weli socda Ololaha Cusub ee lagu Qiimeynayo Wasaaradaha Xukuumadda, si loo kala ogaado hay’adda aan kasoo bixin howlaha ay u xilsaaran tahay iyo tii aan kazoo bixin..

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya