4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Kulanka Baarlamaanka Somalia uu maanta ku yeeshay Muqdisho ayay xildhibaannadu ku ansixiyeen Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo codeyntu ay ahayd mid qarsoodi ah, iyadoo ay ku sugnaayeen kulanka 187 xildhibaan.

Sida uu qabo sharciga xubin kasta oo ka tirsan Guddiga wuxuu Ansaxu Noqonayaa marka ay hesho 94-cod, waxaana codadka u kala heleen sidan;

1. Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden,  wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa soo xushay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, iyadoo kal hore Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen isla markaana loo soo gudbiyay baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Dhanka kale, guddigan ayaa wuxuu muhiim u yahay dalka maadaama sida la filayo lagu wado inay dalka ka dhacdo doorasho marka la gaaro sannadka soo socda ee 2016-ka, waxaana guddigan uu mas’uul ka yahay in Qaabeynta doorashooyinka.

Ugu dambeyn, waxaa socota tirinta codadka Mudaniyaasha Baarlamaanka oo u codeeyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha. Wixii kusoo kordhana waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya