4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Arday Soomaaliyeed oo ku Guuleysatay Tartamo Qu'raan Akhris oo ka dhacay Kenya & Tanzania

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeedoo ku guuleystay Tartan Qur
aan Akhris ah oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeedoo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartan Qur'aan oo ka dhacay Kenya iyo Tanzania

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya iyo Tanzaaniya tartamo Qur'aan akhris ahaa oo loogu talo-galay bisha Ramadaanka, iyadoo ardayduna ay ku tartamayeen Qur'aanka cadadiisa gaar ahaan 10, 15 iyo 30-ka Jus ee Qur'aanku uu ka kooban yahay.

Wadanka Kenya waxaa tartamadaas lagu qabtay magaalooyinka waa weyn sida; Nairobi iyo Mombasa,   waxaana dhamaantood ku guuleysatay Arday Soomaaliyeed oo ka kala socotay Madarasooyin kala duwan.

Masaajidka Jamiya oo ku yaallo bartamaha magaalada Nairobi, ayaa tartanka sannadlaha ah ee lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabisay dowlada Sacuudiga Caribaya, kana koobnaa labo qeybood oo kala ahaa Wiilal iyo gabdho, waxaa sanadkaan ku guuleystay arday Soomaaliyeed oo ka wada socday Madaraso lagu magacaabo Zeydul-Kheyr  oo ku taallo xaafada Islii ee Soomaalida badan ay ka dagan yihiin magaalada Nairobi.

Axmed Muhammad Ibraahim oo wax ka barto Madarasadaas da'diisu ay tahay 19 sano jir, ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee 30-ka Juz; tartanka Wiilasha oo ka dhacay Masaajidka Jamiya halka dhanka Gabdhahana ay tartankaas 30-ka Juz, ku guuleysatay gabar 14 jir ah oo lagu magacaabo Caasho Cabdishakuur Muhammad oo iyaduna wax ka barato isla madaasadaas Zeydul-Kheyr.

labadaas Arday waxey abaal marin ahaan u heleen 175 kun oo lacagta Kenya ah, una dhiganto $1,750 (Kun, Toddobo Boqol iyo Konton Dollar), waxeyna sidoo kale heleen tigidho lacag la'aan ah oo ay ku tagi doonaan Magaalada Makkah ee wadanka Sacuudiga Carabiya, ayna ku soo cumreysan doonaan iyaga iyo waalidiintooda.

Magaalada Mombasa ee gobalka Xeebta Kenya, waxaa iyadana ka dhacay labo tartan oo Qur'aan akhris; kuwaasoo kala ahaa mid ay ku tartameen Madarasooyinka ku yaallo magaalooyinka Kenya oo mar kale uu ku guuleysay Axmed Muhammad Ibraahim oo 28, bishii aynu soo dhaafnay ee June ku guuleystay tartankii ka dhacay Masaajidka Jamiya ee magaalada Nairobi.

Tartan gobaleedkii ka dhacay Mombasa oo ay ka qeyb galeen Arday ka kala socotay wadamada Kenya, Somalia, Tanzania, Zanzibar, Uganda, Rwanda iyo Burundi, waxaa isagana ku guuleystay kaalinta koowaad arday ka yimid wadanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdulcaliim Cabduraxiim Maxamed.

Labadaas Arday ee ku wada guuleystay tartamada Magaalooyinka Kenya iyo kan bariga Afrika, waxey sanadka soo socdo ka wada qeyb gali doonaan Tartan Qur'aan akhris Caalamiga ah oo ka dhici doono wadanka Sudan bisha January ee 2016-ka.

Dhanka kale Maamulaha Madarasada Zeydul-Kheyr oo ay wax ka bartaan ardayda ku guuleystay tartankii ka dhacay Masaajidka Jamiya ee magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macallin Cali (Madogashe), oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay gaareen ardaydiisu.

Cabdiraxmaan Madogashe oo ah Milkiilaha Madarasadaas xifdinta Qur'aanka Kariimka oo ku taallo wadada 12-naad ee xaafada Islii, ayaa intaas ku daray in Dugsigaas la aas-aasay sanadii 2012-ka, hadana ay wax ka bartaan in ka badan 230 arday.

Si kastaba ha ahaatee Wadanka Tansaniya, ayaa tartankii xifdinta Qur'aanka ee sanadkaan lagu qabtay waxaa isagana ku guuleystay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Mooge, kaasoo helay jaa'izado kala duwan oo Baabuur nooca Noah ah uu ka mid yahay.

Sanad kasto marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaanka, ayaa wadamo badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka dhaco tartamo Qur'aan akhris ah kuwaasoo ay ka qeyb galaan arday tiro badan oo Qur'aanka xifdisan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya