4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Mucaaradka Somaliland oo Xukuumadda ku eedeeyey inay heshiis la gashay Somalia & Jawaabtii XSL


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Is-bahaysiga mucaaradka Somaliland ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay xidhiidh qarsoodi ah la gashay Somalia taasoo ay ku tilmaameen qaran dumis iyo khiyaamo qaran.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ayaa ka jawaabay waraaq sir ah oo la sheegay in laga jabsaday Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo Shabakadda siraha faafisa ee Wiki-leaks baahisay, kuwaasi oo laga dhex helay warqaddo muujinaya heshiis Xukumadda Somaliland la saxeexatay Somalia.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ahna gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in waraaqdaasi sirta ah ee la helay tilmaamayso in xukuumaddu heshiish qarsoodi ah la gashay Soomaaliya si ay uga mid noqoto Fadaraalka Soomaaliya ka jirta.

 “Waxa jiray waraaqo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Saudi Arabia, waraaqahaas faraha badan ee laga helay Sucuudiga waxaa ka mid ah xog  la helay oo ku saabsan in Xukumadda Somaliland February 18-keedii 2012-kii ay dawladda Soomaaliya, Puntland iyo maamullo kale heshiis la saxiixatay kaasoo ah in Somaliland ay Federaalka Somalia ka mid noqoto,” ayuu yidhi  Cirro Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlay shirjaraa’id oo ay isbahaysigoodu ku qabtay magaaladda Hargeysa.

Waxaanu intaas ku daray “Runtii warkaasi waa mid ka soo horjeeda Qaranimada,dastuurka iyo aftidii shacabka Somaliland ee 97% isku raaceen inaanay madax banaanidoodu marnaba gorgortan gali karrin. Waxaa ayaan darro ah in Xukumadda Somaliland marar badan mucaaradka ku eedeysay inay Federalka Xidhiidh la leeyihiin laakiin, waxaa hadda soo baxay Dhukumenti rasmi ah oo meelo rasmi ah ka soo baxay oo dawladdo ka soo baxay. Waxaa intaas dheer in sida qalabka warbaahinta Somaliland baahisay xukumaddu arrintaas qiraal ka samaysay oo aanay dafirin, iyadoo eeda iskaga riixaysa wasiir ka tirsanaan jiray Xukumadda (Maxamed Cabdillaahi Cumar), waxay ila tahay wasiirkaasi wasiir uun buu ka ahaa xukumadda wuxuuna ku shaqaynayay Siyaasadda dawladda. Wasiirka in la bedelo ayaa marar la soo jeediyay laakiin, madaxweynuhu wuxuu ku dhaartay inaanu waligii bedelayn inkastoo uu markii dambe bedelay. Shacabka Somaliland warkaas baanu u sheegaynaa, wixii talo ah waanu urursanaynaa, waxgaradkeeda salaad-diinteeda, aqoon yahankeeda, diyaasiyiinteeda wixii arrintaas laga yeelayana mar dambe ayaanu u soo bandhigi shacabka Somaliland”.

Musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo isna halkaaasi ka hadlay ayaa yidhi “Warqaddaas sirta ah oo aanay dafirin xukumadda Somaliland, oo ay eedana dusha ka saartay wasiirkii hore ee khaarajiga ayaa horta ah ajandaha aanu iskugu nimid.waxaynu ognahay Xukuumadda Somaliland markii ay xilka la wareegtay waxay tidhi Siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland waanu bedelnay iyagoon shacabka u sheegin waxay ku bedeleen. Waxaynu ognahay in halkii ictiraaf laga raadin lahaa ay dadka ku mashquulisay Xukumaddu wada hadalo ma dhalays ah oo sii soco iyo soo soco ah, taas oo muujinaysa oo hadda ay shaxdu iskugu kaayo xidhayso inay wixii ay u socdeen tahay arrinkan uun, heshiiskaa ay February 2012 dhacay uun sidii loo fulin lahaa laga shaqaynayay”

“Dambi haddii la galay kii ugu weynaa weeyi, waa khiyaamo qaran, doorasho dib u dhacday macno ma lahaateen laakiin, waxa loogu dheggan yahay waa taas Illaahay maanta soo saaray. Ummadda Somaliland wuxuunu u sheegaynaa inay u Diyaar-garoobaan sidii ay madaxbanaanideeda ula soo noqon lahayd, way baxdaye, way iibsantay waxay goysayba, sabab noqon mayso hebel baa sidaas yidhi oo aanu sidaad ku erinay, waxay ahayd in markay ogaadeen qabtaan oo maxkamad taagaan haddii iyagu daacad ka yihiin, arrin yar oo iska sahlan maaha ee ninka isagoo wasiir ah magaca Somaliland ku saxeexay federal ayaanu ka mid noqonaynaa dawladda Somaliland ayuu wakiil ka yahay, madaxweynahana waa ka wakiil, haddaanu Madaxweynuhu ogayn waxa wasiirkiisu qabanayo dee wuxuu ku maqan yahay garanmaayo” ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadatashiga  Somaliland Xasan Guure.

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markiiba ka jawaabay eedihii ay usoo gudbiyeen mucaaradku, waxaanu Bartiisa arrimaha bulshadda uu ku leeyahay ee Fac-booka soo dhigay qoraal uu kaga jawaabay eedaasi.

“Waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyay saxaafadda qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!”

Waxaanu intaas ku daray “Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uuga falcelinayaa si aan bulshada ugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya! Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi! Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan. Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa:“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo” Ugu dambayn waxaan leeyahay Qaranka Somaliland Qosol ku Jab maaha, Qoraal aanan Qorina Qofkii iska Qortay ayuu Qawl xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland