4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Madaxweyne ku Xigeenka Jubba oo Xarigga ka Jaray Dayactir lagu Sameeyay isbitalka Kismaayo


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) —Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) ayaa xariga ka jaray qeyb kamid ah isbitalka degmada Kismaayo, taasoo dhawaan lagu sameeyey dayactir.

Qeybtan cusub ee la dayactiray, ayaa waxa loo dhisay hab casri ah, iyadoo sidoo kale la dhigay qalab kala duwan oo ay kamid yihiin qalabka loo isticmaalo noocyada kala duwan ee qaliimada, waxaana dayactirka isbitalka iska kaashaday hay'adda ICRC iyo weliba shirkadda Jubba Construction.

Madaxweeyne kuxigeenka oo ay wehlinayee xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland iyo madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada Kismaayo ayaa waxa ay kusoo wareegeen dhammaan qeybaha dayactirka lagu sameeyay ee isbitalka.

Xafladdii xarig ka jaridda qeybtan cusub ayaa waxaa ugu horeyn khudbad dheer ka jeediyay agaasimaha isbitalka Kismaayo mudane Xuseen Sheekh Khaasim, kaasoo ku dheeraaday marxaladihi kala duwanaa ee uu soo maray Isbitalka, waxa uuna intaa ku daray in isbitalka uusan helin wax dayactir ah mudo ka badan 25 sano.

Ugu danbeyntii waxaa madasha khudbad kusoo xiray madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Mudane C/qaadir Lugadheere, kaasoo u mahadceliyay hay'adda ICRC iyo shirkadda fulisay dhismaha ee Jubba Construction, waxa uuna sheegay in laga bilaabo maanta ay furantahay qeybta cusub ee la dayactiray ee isbitalka Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya