4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Taliyaha AMISOM oo Shaaciyay in dhawaan la billaabyo Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jen. Jonathan Rono ayaa booqday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dalka Burundi ee AMISOM ka tirsan, isagoo ku wargeliyay in isbedel lagu sameyn doono howlgalka Ciidamada iyo Goobaha ay ka howlgalaan.

Isagoo la hadlayay ciidamada ayuu sheegay in haatan ay socdaan dib u habeynno iyo dib u qaabeyn lagu sameynayo ciidamada AMISOM iyo deegaannada ay hadda ka howlgalaan, isagoo xusay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo saldhigyada ay kaga sugan yihiin ciidamada magaalooyinka muhiimka ah.

“Waxaan doonayaa inaan idin kaga mahadceliyo doorka aad ka ciyaaraysaa sidii Somalia ay u nabadeyn lahaayeen. Waxaana askar badan ay nooga dhinteen weerarkii ka dhacay saldhigga AMISOM ee Leego, taasoo qayb ka ah howsha aad dhamaantiin halkan u joogtaan,” ayuu yiri Jen. Rono.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ay hadda wixii ka dambeeya billaabayaan howlgallo looga horjeedo Al-shabaab, si ay si loo suuro-geliyo in Somalia oo dhan loo nabadeeyo.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay AMISOM wax ka qaban doonto dhameystirka howlaha lagama maarmaanka u ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Somalia, isagoo intaa ku daray in sidoo kale la xoojinayo guulihii horay loo gaaray.

“Maalmaha soo socda waxay ciidamada AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda Somalia billaabi doonaan howlgalladoodii ay kaga horjeedeen argagaxisada. Waayo hadda waxaanu gaarnay 80% ujeeddooyinkii laga lahaa howlgalkeenna, waxaana ka dhiman 20%, waanan ku guuleysan doonnaa xilliyada soo socda,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Rono.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamada inay ku shaqeeyaan madaa’dida wadajirka ah, isagoo u mahadceliyay taliyeyaasha ciidanka Burundi ee uu saldhigyadooda booqday, kuwaasoo uu ka mid ahaa taliyaha Qaybta shanaad ee AMISOM, Col. Reverien  Ndayambaje oo u dhashay dalka Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya