4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Ciidamada dowladda oo ka Hor-tagay Weerar ay Al-shabaab xalay ku Qaadeen Degmada Jalalaqsi


Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay laga maqlay qeybo ka mid ah degmada rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen ciidammada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay si dhuumaleysi ah ku soo galleen qeybo ka mid ah degmada.

Gaar ahaan xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray suuq ku yaalla dhinaca Bari ee degmada, halkaa oo si caadi ah ganacsigu uga socday, iyadoo mar kaliya dadkii joogay suuqa ka war heleen qaraxyo iyo rasaas xoogan oo lagu weeraray.

Ciidammada dowladda  ayaa markii danbe ku guuleystay in ay dib u celiyaan kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana iska horimaadka ku dhintay inta la og-yahay hal ruux.

Howlgal ballaaran ayaa xiligan ka soconaya degmada, iyadoo heegan buuxa la galiyay ciidammada ammniga.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba Al-shabaab waxaa ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah saldhigyada ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin deegaannadii kol hore lagala wareegay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya