4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 6 , 2015
Wasaaradaha Kheyraadka DFS oo la Weydiistay inay la yimaadaan Siyaasad lagu Xaqiijinayo Amniga Cuntada

Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia
Booqashadii RW ku Xigeenka Somalia

Isniin, Luuliyo 06, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa maalintii labaad booqday Wasaaradaha Dowladda si wax badan uga ogaado sida ay u shaqeeyaan, una qiimeeyo baahiyaha ka jira wasaaradaha oo qaarkood dul saar ku ah wasaarado kale.

Maxamed Cumar Carte ayaa shalay booqday 13-Wasaaradood oo kala ahaa; Wasaaradaha Shaqada iyo shaqaalaha, Arrimaha Gudaha Gadiidka, dekedaha, howlaha guud, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Warfaafinta, Haweenka, Kaluumaysiga, Biyaha iyo Tamarta iyo Ha’ada ka hortaga masiibooyinka Qaranka.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Wasaaradda Gadiidka oo ay Dhismaheeda la degen yihiin Wasaarada Dekedaha iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta, wuxuuna Warbixino ka dhagaystay Agaasimayaasha iyo Wasiirada Wasaaradahaas.

"Aad ayaan ugu faraxsanna inaan idiin imaado, waana markii ugu horreysay oo aan soo booqdo Wasaaradaha Halkan deggen, sababtuna waa inaan wax badan ka ogaado durrfaha shaqaalaha wasaaradaha, waana kala gadisan tahay marka aad indhahaaga ku aragto cabashooyinka jira iyo horumarada la gaaray iyo marka warbixin ahaan laguugu soo gudbiyo, waana soo dhaweynayaa in Wasaaradda Gaadiidku dayactirtay dhismahaan aadka u quruxda badan iyadoo aan wax deeq ah ka helin gacan shisheeye," ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Booqday Xarunta Wasaaradda Ganacsiga oo ay la dagan yihiin Wasaarada Xanaanada Xoolaha, iyo Wasaarada Beeraha, wuxuna kulan la qaatay wasiiradda wasaaradahaas isaga oo u sheegay in wasaaradahaan laf dhabar u yihiin kor u qaadida dakhliga dalka loogana fadhiyo iney siyaasad cad oo lagu hormarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed la yimaadaan.

"Saddexdiina Wasaaradood waxaa tihiin kuwo isku xira kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxa la idiinka fadhiyaa inaad keentaan siyaasad lagu hagayo Ammaanka Cuntada, sidee loo xaqiijin karayaa in qof kasta oo Somalia ah uu helo wuxuu cuno, haddii ay dhacaan bad-xiran, Abaaro lamid ah kuwii dhacay sannadkii 2011-kii oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 oo qof, tusaale ahaan markii la joojiyey bariiskii ka bixi jiray waddamo ka mid ah Aasiya, Waxaa dhacday in Waddamadii Khaliijku ay yimadaan Afrika si ay u Beertaan Cuntooyin, Waa inaan mar kasta isku dayno inaan helno siyaasad cad oo wax looga qabanayo waxyaalaha asaaska u ah nolosha dadka Soomaaliyeed, waa inaad keentaan qorshe dhab ah oo dalkaan looga saarayo sadexda cudur oo kala ah; gaajada, jahliga, amni darada, oo ah kuwo isku xiran loona baahan yahay in si wada jir ah loo cirib tiro, wasaaradaha wax soo saarkuna waa inay halkaas ku jiheeyaan wax qabadkooda," ayuu yiri Carte.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka ayaa booqday Wasaarada Warfaafinta oo ka mid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan Wasaaradaha Dowladda, waxaa kaloo dhismaha Wasaaradda Qayb ka deggen shan Wasaaradood, oo Qaarkood ay Dayactir ku Wadaan Dhismayaashii ay lahaayeen, Waxaana RW ku xigeenku intii uu ku sugnaa Wasaaradda Warfaafinta uu koormeer kusoo sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya