4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
SAWIRRO: Qoxootigii Yemen kasoo Cararay oo Qaarkood laga soo AMBABIXIYAY Boosaaso


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Qaxooti ka mid ah kuwii kasoo cararay Colaadaha dalka Yemen ka taagan kuna xareysnaa xerooyin ku yaalla magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lasoo Ambabixiyay, iyadoo Qoxootigan ay ka mid ahaayeen kuwii uu soo Gaarsiiyay Puntland Markabka Nawaal III oo Qoxooti badan kasoo daabulay dalka Yemen.

Dadkan waxaa soo Amababixiyay sida Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ee Punrtland iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Sidoo kale, Qoxootigan ayaa la siiyay Lacago ay Jid-mar ka dhigtaan, iyagoo laga bixiyay kharashaadka Gadiidkii lagu soo Ambabixiyay, iyadoo dadkan ay kusoo jeedaan qaar ka mid ah Deegaannada Koonfurta Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa ku sugnaa xeryihii maanta laga soo ambabaxiiyay, waaxaa kaloo goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo Culummaa’uddiin Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya