4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Dabley Caawa ku Weeraray Ciidan Somaliland ka tirsan Deegaanka Kalabaydh ee Gobolka Sool

Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Askari ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawacmay ayaa kasoo gaaray kaddib markii dabley aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa deegaanka Kala-baydh oo 30-km galbeed kaga aaddan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Cabdi Aadan oo ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa HOL u sheegay in Askari dhintay, mid kalena uu dhaawac culus soo gaadhay, loona Qaaday dhinaca Magaalada Laascaanood.

"Waxaanu maqalay rasaas xilli aanu ku jiray Salaaddii Taraawiixda, markaan tagnay halkii ay wax ka dheceenna waxaa naloo sheegay in Askari Ciidammo kuwa Somaliland ka tirsan oo kasoo baxay magaalada la weeraray," ayuu yidhi Cabdi Aadan.

Illaa hadda ma jirto Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, maamulkuna weli kama aysan hadlin dhacdadan, balse waxay sheegeen in ninkii dhaawacmay loo qaaday Magaalada Burco.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool