4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
ODAWAA: Ahlusunna Waxaan ugu Baaqaynaa inay Xuquuqdeeda ka dhex Raadsato Dowladda


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka DF Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maanta Saxaafadda kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii uu kasoo laabtay degmada Cadaado ayaa mar kale baaq u diray maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobollada Dhexe.

Odawaa ayaa shirkiisa jaraa’id ku daah-furay doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado Sabtidii shalay ahayd, isagoo sheegay in hab wanaagsan ay doorashadu ku dhacday kuna soo dhammaatay, wuxuuna u mahadceliyay cid walba oo kaalin ka qaadatay Qabsoomidda Doorashadaas.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa maamulka Ahlusunna Waljameeca ugu baaqay mar kale inay kaalin ka qaadataan Maamulka Galmudug, isla markaana ay u is-taagaan sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen bulshadooda.

“Ahlusunna waxaan mar walba ugu baaqaynaa inay dadkooda iyo dalkooda dhexda uga jiraan, walaalahood wax la qaybsadaan, waa inay dowladnimada dalka dhexda ka galaan, wixii xaquuq ah ee ay leeyihiin halkaas ka raadsadaan“ ayuu Wasiirku ku yiri shirkiisa Jaraa’id.

Wasiirka ayaan soo hadal qaadin muranka xuduudeed ee kala dhexeeya Maamulka Cusub ee Galmudug, kaasoo ka arrimin doona Galguduud iyo Mudug, iyadoo la xusuusto in qayb ka mid ah Gobolka Mudug ay Puntland ka taliso.

Dhanka kale, Maamulka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay maamulka Galmudug ee shalay lagu dhisay Cadaado, iyagoo dhawaan sheegay inay doorteen Madaxweynaha Maamul ay u sameynayaan Goballada Dhexe ee Somalia.

Ugu dambeyn, Ahlusunna oo muddo bilo ah uu kala dhexeeyay Xifaaltan adag dowladda Somalia ayaa waxay bishii hore la wareegeen gacan ku haynta degmada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud, halkaasoo madaxweynaha, Xasan Sheekh uu horay u iclaamiyay inay noqonayso caasimadda maamulka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga Go’aanka Ahlusunna Waljmaaca ay ka qaadanayso baaq-yada kaga imaanaya dowladda Somalia iyo Beesha Calaamka, kaasoo ku Aaddan in lagu xalliyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ah Wadahadal Nabadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya