4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Nin ka tirsanaa Kooxda ISIS oo lagu Dilay Dalka Sucuudiga iyo in ka badan kun qof oo la xir-xiray

Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Magaalada Daa’if ee Waddanka Sucuudiga oo u dhow magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama ayaa Sabtidii shalay lagu dilay mid ka mid ah hoggaanka Kooxda Daacish/ISIS ee dalka Sucuudiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Yuusuf Cabduladiif Shabab ayay ciidamada amni muddo dheer raadinayeen, wuxuuna Jimcihii ka baxsaday guri ku yaalla magaalada Daa'if oo ay gudaha u galeen ciidanka amniga, halkaasoo lagu qabtay qaar ka mid ah kooxihii la shaqeynayay ninkaan toogashada lagu dilay.

Howlgalkaan oo ay Fuliyeen Ciidamada Saudi Arabia ayaa la sheegay inuu ku dhintay Hal sarkaal oo ka tisanaa Booliiska waddankaas; iyadoo aysan jirin khasaare kale oo ciidamadii howlgalkaas fuliyay soo gaaray sida ay sheegeen xubno saraakiil ah oo u badlay booliiska Saudi Arabia.

Yuusuf Cabduladiif ayaa Sabtidii shalay lagu Hareereeyay Guri kale oo isla Magaaladaa ku yaalla, Wuxuuna diiday inuu is-dhiibo, iyadoo dagaal muddo socday oo halkaas ka dhacay lagu dilay ninkan Jihaad-doonka ahaa.

Sidoo kale, Guryihii ay galeen Booliiska Sucuudiga ayaa laga helay Qoraallo iyo Calanka Daacish, waxaa kaloo la sheegay in laga helay Kambiyuutaro ay ku shaqeyn jireen kooxda iyo hub kala duwan oo aan la sheegin noocyadiisa.

Dhowrkii bil ee lasoo dhaafay ayay Dowladda Saudi Arabia wadday ololayaal ay Xabsiga ku dhigeyso dadka taageersan kooxda Daacish, waxaana illaa iyo hadda la dhigay xabsiga 1,351-qof oo ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dadka la Qab-qabtay ay ay Haystaan Dhalashooyin kala duwan, balse intooda badan ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay dalka Saudi Arabia, halkaas oo ay uga howlgalayeen kooxda Daacish sida ay booliisku sheegeen.

Ugu dambeyn, saraakiisha amniga dalka Sucuudiga ayaa sheegay in dadka Ajaanibta ah ee ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan dad kasoo kala jeeda dalalka; Yemen, Suuriya, Masar, Soomaaliya, Falastiin, Bakistaan, Suudaan, Joordan, Hindiya, Baxreyn, Itoobiya, Chad, Ciraaq, Bangaladheesh, Fillibiin, Afgaanistaan, Liibiya, Malaysia, Lubnaan, Mali, Nepal iyo Takijistaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya