4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Hay’adda HARO oo Muqdisho Kawada Afurinta Dadka Masaakiinta ah ee Sooman (SAWIRRO)


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Iyadoo hay’ada HARO  - Humanitarian African Relief Organization - ay marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan ka billowdo Gobollada dalka oo ay ku jirto Muqdisho Barnaamj ay gacan ku siineyso dadka Masaakiinta ah ee Sooman kuwaasoo aan awoodin inay heleen cunto ay ku afuraan, ayaa markii uu dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan ee aan ku jiro waxay Muqdisho ka bilowday barnaamjka dadka masaakiinta ah lagu Afurinayo.

Hayada HARO sanadkan 1436 Hijriyada kuna beegan sannadka 2015-ka ayaa xarun ay ku leedahay degmada Wadajir ka billowday barnaamjka ay ku Afurinayso dadka tabaaleysan ee aan awoodin inay heleen wax ay ku afuraan, waxaana xaruntan ku afura maalin walba dad fara badan, iyadoo la siiyo cunto isugu jirta Bariis karsan, hilib, khudaar iyo Cabitaan.

Mid ka mid ah dadkii halkaas ka afura oo saxaafadda la hadley ayaa hay’adda HARO uga mahadceliyay afurinta ay u sameyso mar walba oo la gaaro bisha Ramadaan oo ah bil cibaado, isagoo xusay inuu u mahad-celinayo cid walba oo arrintan gacan ka geysatay.

Xubno ka socdey HARO oo ku sugan Muqdisho ayaa kormeerayey qaabka ay uu u socdo barnaamjka lagu afurinayo dadka Masaakiinta ah ee aan helin karin waxay ku Afuraan iyagoo sheegay in barnaamjkan uu socon doono ilaa ay ka dhamaato Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn, Ha’yadda HARO waa ha’yad samafal oo in badan ka Howl-galaysay guud ahaan Soomaaliya, waxayna ka Qayb-qaadatay Samata-bixinta Dadkii ay Abaaruhu ku habsadeen, iyadoo biyo dhaamin, raashin  bixin iyo dhar noocyo ka duwan leh ka wadda deegaannada ay ku sugan yihiin dadkii kasoo barakacay Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya