4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Shirkadda Gollis Qaybteeda Gaalkacyo Abaal-marino Gudoonsiisay Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Shirkadda Is-gaarsiinta Golis qaybteeda gobolka Mudug ayaa Abaal-marinno Guddoonsiisay Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda, Waxaana Munaasabad ballaaran oo ay ka Qayb-galeen maamulka shirkadda lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Maareeye ku xigeenka shirkada Golis degmada Gaalkacyo, Maxamed Ciise Cismaan ayaa sheegay in xafladdan loo qabtay si Abaal-marinno loo siiyo xubno ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo muujiyay howl-karinimo bilihii la soo dhaafay.

“Dhamaman shaqaalaha loogu yeeray halkan waxaa lagu soo xulay sida ay ula dhaqmeen macaamiisha shirkadda oo ahayd mid wanaagsan,“ ayuu yiri Maareeye ku xigeenka oo la hadlay warbaahinta.

“Shaqaalaha kale ee xaruntan ka howl-gala waxaa looga-baahan-yahay inay la yimaadaan dadaal dheeri ah si ,iyagana bari ka maalin loo abaal-mariyo," ayuu mar kale yiri masuulka oo tilmaamay in shirkaddu ay shaqo badan ka qabatay gobolka Mudug.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug,Axmed Muuse Nuur oo munaasabadda ka qayb-galay ayaa ugu horreeyn u hambalyeeyay shaqaalaha shirkadda Golis, wuxuna Shirkadda uga mahad-celiyay kaalinta ay ku leedahay arimaha bulshada.

Ugu danbayn, Shirkada Golis ayaa sidoo kale kaalmooyin kala duwan gaarsiiyay qaxootiga kasoo barakacay colaadaha Yemen,waxaana ay ilaa iyo hadda ambabi-xisay tiro ka badan 400 oo qoys, kuwaasoo loo diray deegaanadii ay ka so jeedeen ee koonforta iyo bartamaha Somalia

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]