4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
PUNTLAND: Ma Aqoonsanin Maamul la Yiraah Galmudug Mana Jiro Wadahadalna aan la Furayno

Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Xasan (Soo-cade) ayaa sheegay in Maamulkoodu uusan Aqoonsaneyn doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado, isagoo ku sheegay inay ahayd mid lasoo dhoo-dhoobay.

Xasan Soo-cadde ayaa intaas ku daray inay u arkaan Shirkii degmada Cadaado mid ay Dowladda Federaalka Somalia soo abaabushay, isla markaana la doonayo in lagu abuuro colaado ka dhaca gobollada dhexe ee Somalia.

“Shir in Cadaado lagu qabtay baryahaan waan maqlayay, dadkii shirkaas ka qayb-galayna waa kuwo laga keenay intooda badan Villa Somalia, waana shir la doonayo in colaad looga huriyo oo la isku diro dadka deggen gobollada dhexe,’’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka oo soo hadal-qaaday hadalka madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed uu ku sheegay inuu wadahadal kiua furayo Puntland, ayuu xusay inaysan aqoonsanayn Maamul Galmudug ee lagu dhisay Cadaado.

“Annaga ma garanayno sabab aan kuwada hadalno C/kariin Xuseen Guuleed, waxaan idiin sheegaynaa in Puntland uu yahay maamul jirta oo Caalamku aqoonsan yahay, cida aan la hadalnana waa dowlad oo kaliya,” ayuu yiri Xasna Soo-cadde.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo loo doortay shalay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaana hadalka ka soo yeeray Puntland uu kusoo beegmayaa iyadoo Beesha Calaamka ay ku baaqday in la xalliyo khilaafaadyada Xuduudaha ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya