4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Qarax Waxyeello Geystay oo ka dhacay Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ha’yadda Nabadsugidda Qaranka ayaa si xun ugu dhaawacmay inta la ogyahay qarax ka dhacay degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, Qaraxaas oo ahaa mid lagu xiray gaari uu Sarkaalkaan watay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Barxadda Shineemo Afrika ee Degmada Xamar Jajab, iyadoo uu burbur xoggan gaaray gaarigii uu sarkaalku watay oo noociisu ahaa NOAH, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysa Weerarkan.

Dhaawaca sarkaalka ka tirsan hay’ada Nabadsugidda Qaranka oo lagu magacaabo, C/casiis C/qaadir Xabiib Muunye ayaa loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo, iyadoo dad goob-joogayaal ah ay sheegeen in Qaraxu ahaa mid xooggan.

“Sarkaalka Nabadsugidda ka tirsan si xun ayuu u dhaawacmay, dhaawiciisuna Wuxuu ahaa mid u badan dhanka hoose ee jirka, ciidammo kale ayaana isbitaalka ula cararay,” ayuu yiri Goobjooge ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa warbixin ay barta Twitter-ka ay ku leedahay soo dhigtay ayay ku sheegtay in sarkaalka la weeraray uusan iyaga ka mid ahayn, iyadoo xustay in loo maleynayo inuu ka mid yahay shaqaalaha hay'adaha samafalka ee ka howlgala Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa sarkaalkan iyo iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli tan iyo markii ay billaabatay bishan Ramadaan ay Qaybo ka mid ah dalka ka dhacayeen iska-horimaadyo kala duwan iyo Qaraxyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya