4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Guddi Soomaali-American ah oo Mareykanka kala shaqeyn doona Arrimaha Dhallinyarada (DAAWO)


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Barnaamijka CVE oo  ah Barnaamij ka Shaqeenaya Arrimaha dhalinyarada lagana billaabayo saddex Gobol oo dalkaan Maraykanka ku yaal la ayaa kulan afur ah u qabtay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Gobolka Minnesota.

Guddigan oo lagu magacaabo Somali-American Task Force ayaa ka kooban 15 xubnood oo isagu jira culummo, dhallinyaro, haweenka iyo dadka u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada, dhammaantoodna waa kuwo ka dhex muuqda bulshada Soomaalida ee Minnesota u soo Haajirtay.

Inj. Jabril Afyare oo ka mida Guddigan ayaa barnaamijkan magaciisa ku sheegay DHISID BULSHO XOOGAN, iyagoo sharaxaad dheerna ka bixiyay barnaamijkaan oo ay baahidiisa keentay markii dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay ku biireen ururka ISIS ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

C/maalik Xasan Maxamed oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in magacii ahaa CVE Countering Violent Extremism oon ku macneen karo ka hortagga xag-jirnimada lagu badalay dhisid bulsho xooggan (Building Community Resilience).

Isagoo sheegay in guddi ka tirsan Jaaliyadda ay u bandhigeen xukuumadda in la badalo magacada, ayna hadda qaateen magaca kor ku xusan; waxaana sii raaciyay ma doonayno in magaca Soomaaliya la hoos dhigo magac aan fiicnayn.

DAAWO: Kulankii Guddiga Somali-American ee lagu Qabtay Gobolka Minnesota;
Sidoo kale, C/maalik wuxuu caddeeyay in guddigoodan aysan maamulayn dhaqaalaha barnaamijka ku baxaya oo ah maalaayiin dollar, balse qayb ka mid ah lacagtan ay hadda diyaar tahay qayb kalena imaan doonto, ayna tahay lacag ay codsan karaan dhammaan ururrada kala duwan.

Hodan Xasan Heello ayaa iyadana ku macnaysay barnaamijkan ujeeddadiisu tahay baarista waxa keenaya dhibaatada dhallinyarada loogana hor-taagayo in dhallinyaradu ay noqdaan kuwo raaca wadada qaldan, waxayna sii raacisay inuu yahay taageero jaaliyadda una abuuraya barnaaamijyo kala duwan iyo waliba shaqo abuuris.

Sh. C/salaan Aadam ayaa isaguna uga mahad-celiyay Dowladda Maraykanka iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo aad ula shaqeeyay Jaaliyadda Soomaalida isagoo  sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ogadaan inay ka mid yihiin dadka Maraykanka, wuxuuna sheegay in dhallinyarada ka faa’iidaystaan horumarka ka jira waddankan Maraykanka.

Ugu dambeyn, waxaa shirkan ka hadlay xubno kale oo ka mida ah guddigan iyagoo dhmamaantood macneeyay kaalinta uu kusoo kordhin karo Soomaalida Maraykanka gaar ahaan dhallinyarada.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijkan ayaa waxaa jira qaybo ka tirsan jaaliyadda oo diiddan; iyagoo ku macneeya in Qaybsanaan uu keeni karo, iyagoo siyaabo aad u kala duwan ku macneeyay.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,Minnesota