4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay Wadahadal la furayaan Maamullada Ahlusunna iyo Puntland


Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu uu wadahadal la furi doono Ururka Ahlusunna Waljamaaca iyo Puntland, kaddib markii maamulladan ay kasoo hor-jeesteen maamulka hoggaankiisa loo doortay.

Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in cid kasta oo tabasho qabta uu la fariisan doono, wada xaajoodna la geli doono, isagoo intaas ku daray in Puntland uu ugu baaqayo inuu ka shaqeeyo Amniga.

“Diyaar ayaan u ahay inaan la hadalno cid kasta oo wax tabanaysa, Walaalaheen Puntland waxaa leeyahay aan is-garabsanno oo aan ka wada shaqeyno Amniga iyo iskaashiga labada maamul, waxaana diyaar u ahay inaan la shaqeyno Maamullada deriska nala ah,” ayuu yiri Guuleed oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa amaanay doorkii ururka Ahlusunna Waljameeca ay ka qaadatay xasilinta qaybo ka mid ah gobolka Galguduud, isagoo xusay inay la furi doonaan wadahadallo ay kaga mid noqonayaan maamulkiisa.

“Waxaan ugu baaqayaa Ahlusunna Waljamaaca inay soo dhaweeyaan maamulka cusub ee Galmudug. Ahlusunan door weyn ayay kasoo qaateen xasilloonida & nabadeynta deegaan-nadan, waxaanan diyaar u nahay inaan gogol u fidino oo ay maamulkan ay Qaybtooda ka qaataan, kuna soo biiraan, ” ayuu mar kale yiri C/kariin Guuleed.

Ahlusunna Waljamaaca ayaa dhawaan si iskood ah waxay madaxweyne uu yeelanayo maamul ay sheegeen inay u dhisayaan Gobollada Dhexe ee Somalia ku doorteen degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo gacantooda ku jirta.

Dhanka kale, Puntland ayaa iyana horay u qaadacay maamulka cusub ee Galmudug, iyagoo sheegtay inay xuduudda maamulka Galmudug ay la wadaagayaan aysan noqon doonin Nugaal, haddii taas la isku dayana ay xuduudooda ka dhigi doonaan deegaanno ka mid ah Gobollada Dhexe sida Guriceel.

Ugu dambeyn, madaxweynaha la doortay ee maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa waxaa horyaalla howlo fara badan oo ay tahay in maamulkiisa uu ka gudbo sida xallinta muranka dhanka xuduudda ah ee kala dhexeeya Puntland iyo sidoo kale in caasimadda maamulka ay gacantooda kusoo laabato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya