4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2015
FAAHFAAHIN: Xaaladda Degmada Wanlaweyn oo deggen kaddib Weerarkii Xalay ee Al-shabaab

Axad, Luuliyo 05, 2015 (HOL) — Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo sheegayaa in xaaladdeedu ay saaka deggen tahay, kaddib weerar xoogan oo ay Al-shabaab xalay ku qaadday degmadaas.

Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn oo qiyaastii 90-KM dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay uu gudaha degmada dagaal ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday, balse lama oga khasaraha ka dhaashay.

Guddoomiyaha Wanlaweyn, Isaaq Maamow Caliyow ayaa sheegay in xalay ay Al-shabaab gudaha u soo galeen qaybo ka mid ah degmada, ayna saacado kaddib ka baxeen degmada.

“Xalay 9:30 Fiidnimo ayay Al-shabaab soo weerartay Degmada Wanlaweyn, qaybo ka mid ah degmada ayayna gudaha u soo galeen, balse 11:00 habeennimo ayay dib uga baxeen, kaddib dagaal culus oo dhacay,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Wanlaweyne oo warbaahinta la hadlay saaka.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in xalay ay Al-shabaab dadka degmada kula hadleen Masjidyada, xilligii lagu jiray Salaadda Taraawiixda, iyagoo khudbado kaddibna isaga baxay degmada.

Degmada Wanlaweyn ayaa la sheegayaa in xaaladdeedu ay sakaay tahay mid aad u deggen laguna arkayay gudaha degmadaas ciidanka DF Somalia oo si caadi ah u wata howlahooda.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay la wareeg-tay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ka mid ahaa goobihii ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya