4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
Xisbiga Kulan oo Hambalyo u diray Madaxweynaha & Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) oo maanta lagu doortay magaalada Cadaado.

C/qaadir Barnaamij ayaa yiri, “Xisbiga Kulan wuxuu soo dhaweynayaa isbedel kasta oo ku yimaada doorasho sida tii ka dhacday Magaalada Cadaado, sidaa darteed waxaan hanbalyo u diraynaa madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul-goboleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed & ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey, waxaana u rajeynayaa inay ku guuleysteen howsha loo doortay maanta.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa hadalkiisa ku daary. “Waxaan sidoo kale u Hambalyeynayaa Murashaxiintii u Tartamay Xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka, Gaar ahaan; Inj. Axmed Macalin Fiqi oo muujiyay tartan doorasho oo soo jiitay dadweynaha iyo siyaasiyiinta maamul-goboleedka Galmudug, Anigoo Murashaxiinta oo dhan u Rajeynaya Mustaqbal Siyaasadeed oo ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegayaan.”

Dhanka kale, C/qaadir Barnaamij ayaa ugu baaqay Maamulka Galmudug inay Wadahadalo lala furan Ahlusunna Waljaamaca si ay uga Qayb-qaataan Maamulka Cusub ee Galmudug oo maanta dhidibbada loo taagay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisiga siyaasadeed ee Kulan ayaa ka mahad-celiyay doorkii Guddigii Farsamada iyo Ergada, Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Dhammaan intii ka Qayb-qaadatay inuu Maamul Galmudug Istaago, isagoo Maamulka iyo Shacabkaba u Rajeeyay horumar dhan walba ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya