4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
RW ku xigeenka oo Maanta Booqday Qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumada Somalia (Sawirro)


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo dhiirri-galinta howl-wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

Carte ayaa ugu horayntii booqday Wasaardda Arrimaha Dibadda oo ay dhismaha wada dagan yihiin Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada Caafimaadka, waxaana uu kulamo la qaatay wasiirada iyo agaasimayasha wasaaradahaas, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd.

"Waxaan maanta booqday shan Wasaaradood, Ujeeddaduna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuur-galida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha, sidoo kale runtii waxaa iiga muuqatay shaqaalaha niyad sami iyo fir fircooni, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay'adaha dowladda Somalia, kormeerkan hadda ka dib wuxuu noqonayaa mid joogta ah,. waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa ciidanka kala duwan ee qalabka sida oo intii aan ku jirnay kormeerka si wanaagsan amniga u sugayey" ayuu yiri RW ku xigeenku.

Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha, waxayna u soo gudbiyeen RW ku xigeenka duruufaha ka jira wasaaradahooda iyo horumarada ay sameeyeen. RW xigeenku ayaa isagoo ballan-qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaraddaha oo qaarkood ku shaqeeya dhismayaal ay leeyihiin wasaarado kale.

Ugu dambeyn, Carte ayaa booqashadiisa kusoo afmeeray wasaarada maaliyadda, wuxuuna kulammo kula Qaatay Wasiirka Maaliyadda, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeed-yada, waxayna warbixin ka siiyeen horumarada ay ku talaabsatay wasaaradu sanadihii ugu danbeeyey,

"Waa talaabo horumar leh in maanta Waddankeennu marayo in madaxda qaranka iyagoo xafiisyadooda jooga ay ogaan karaan dakhliga dalka soo galay iyo sida uu ku baxay maalin kasta, taas oo ay kula soconayaa qaab ONLINE ah,  waxa kale oo aan ku faraxsanahay in dakhlii uruurintu kor u kacday,  waxaana sababtay wada shaqyanta Wasaardda iyo Hanti Dhowrka Guud, hadii aan doonayno bisha aakhirkeeda inaan mushaar bixino, waa in canshuurtu soo xarooto, waaana inaan dadka ku celino canshuurta laga qaaday adeegii loogu qaban lahaa, amaanada naloo dhiibay waa inaan u maamulno sidii nalogu dhiibay, dadkuna waa inay ogaadan in canshuurta bixinteeda ay muhiim tahay sare u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha" ayuu yiri mudane Carte.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya