4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
FAALLO: Doorashadii Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo lagu Dagaalamayay Codadka

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Natiijada doorashada madaxweynaha Galmudug State ma ahayn mid si dhib yar ku timid, Musharashixiintuna waxay dadaal Xoog leh u galeen sidii ay u kasban lahaayeen codadka ugu badan Xildhibaannada Galmudug oo ahaa kuuwii wax dooranayay, inkastoo mar hore musharax walba codadkiisa uu sii meeleystay.

Wareegii koowaad Lixda musharax waxaa ay codadka u kala helleen C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed Macalin Fiqin oo hellay min 29 cod, Axmed Salaan Xaaji Aadan 12 cod, Max'ed Cilmi Afrax 10 cod, Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid Lix cod halka musharaxa Xassan Nuur Qalaad uu hellay Saddex cod oo kale.

Sidaa daraadeed waxaa loo baahday in loo gudbo wareeg labaad oo ay isugu soo hareen C/kariin Xusseen Guulleed, Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed C/sallaan Xaaji Aadan, waxaana ay wareegii labaad u kala helleen codadka C/kariin Xusseen Guulleed 42, cod, Axmed Macalin Fiqi 32 cod, halka Axmed C/sallaan uu hellay 15 cod, halkaa waxaa kaga muuqanaya in wareegii labaad C/kariin Xusseen Guulleed ay u kordheen codad gaaraya 13 cod, halka Axmed Macalin Fiqi ay kordheen 3 cod, Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo wareegii hore hellay 12 cod ayaa wareegii labaad kordhistay codadka saddex xildhibaan.

Markiiba waxaa la arkayay musharixiinta oo bilaabay in ay telleefoonnada la kala baxaan, iyaga oo wali wadda olalahoodii doorasho iyo kala wareejinta codadka xildhibaannada, madaama wareega saddexaad oo ay isugu soo harreen C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed Macalin Fiqi mid walba waxaa  uu ku dadaallayay siddii uu helli lahaa codadka musharixiinta kale ee tartanka ka harrtay.

Gaar ayaan waxaaa ay siweyn labada musharax ugu dagaallameen 15-ka cod ee Axmed C/sallaan Xaaji Aadan oo hubaal aheyd musharaxa wadda qaata inuu ku guuleysanayo doorashad.

Axmed Macallin iyo Axmed C/sallaan Xaaji Aadan ayeey Kaarimadu qabatay iyaga oo si hoose u wadda hadllaya, halka Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid oo wareegii hore ka hellay lix cod la arkayay isaga oo si dadban ula shaqeynaya C/kariin Xusseen Guulleed.

Hase ahaatee, marka la eego sidda ay natiijada ku soo dhamaatay labada musharax waxaa ay 15-ka cod u kala qaateen 7 cod oo uu hellay C/kariin Xusseen Guulleed oo marka lagu darro 42-da cod ee wareegii labaad uu hellay tirada guud ka dhigtay 49 cod, iyo Axmed Macalin Fiqi oo hellay 8 cod oo marka lagu darro 32 cod oo wareegii labaad uu hellay ka dhigeysa wadarta codadka uu hellay 40 cod, waana tan keentay in C/kariin Xusseen Guulleed lagu dhawaaqo in uu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug ee gobollada dhexe.

Inta uusan guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa la arkayay la maqlayay sacab iyo saxawan is qabsaday madasha doorashada, taasoo muujineysay taageerada ballaaran ee loo hayay madaxweynaha cusub C/kariin Xusseen Guulleed oo markiiba ay gacan qaadeen wasiirradii, xildhibaannadii iyo siyaasiyiintii madasha ku sugneyd.

Inkastoo doorashadu aheyd mid si Dimuquraadi ah ku dhacday, haddana kama marneyn meesha danno siyaasadeed,saadashuna waxaa ay ahayd in Cabdikariin Xusseen Guulleed madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug loo doortay ka awood badnaa musharixiinta kale.

Madaxweynaha cusub waxaa uu horay u soo noqday wasiirkii ammniga dowlada Somalia, hasse ahaatee markii danbe ayuu xilkaa iska cisllay 24-kii May 2014, kaddib markii uu la kulmay eedeymo dhinaca nabad-galyada dalka ah.

Ugu dambeyn, C/kariin Xuseen Guuleed oo markiisii hore ka tirsanaa bahda waxbarashada Somalia, ayaa la leeyahay waxaa ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh, dadka qaarna waxaaba ay aaminsan yihiin in uu taageero buuxda ka hellay si uu xilka ugu guuleysto dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya