4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
C/kariin Xuseen Guuleed oo Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa Murashaxiintii u tartamayay doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah ugu guuleystay xilkaas, kaddib markii uu wareeggii saddexaad ee doorashada kaga guuleystay murashaxiin ay isku soo hareen oo ahaa Axmed Macallin Fiqi.

Guuleed ayaa helay codadka 49-xildhibaan, halka murashaxa la Tartamayay uu isna helay codadka 40-xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii codadkooda dhiibtay, iyadoo intii ay tirintu socotay ay mar qura mashaxarad ka yeertay hoolka doorashada lagu qabanayay, kaddib markii 45-cod uu gaaray C/kariin Guuleed.

Natiijada doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in C/kraiin Xuseen Guuleed uu kusoo baxay doorashada madaxnimo ee maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 49-cod.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku tartamayay 6-murashax, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku hareen wareeggii koowaad, halka murashaxa kale uu ku haray wareeggii labaad iyo murashaxii u darmeeyay oo ku haray wareegga saddexaad oo ahaa kii ugu dambeeyay.

C/kariin Guuleed ayaa lagu dhaariyay isla goobta doorashadu ka dhacday ayaa hadal uu dhaarinta kaddib jeediyay baaqyo ugu kala diray maamulka Puntland iyo kan Ahlusunna Waljamaaca.

“Waxaa maamulkeenna uu kula dhaqmi doonaa walaalaha Puntland daris-wanaag, iskaashi iyo in gacmaha la is-qabsado  si aan dalkeenna wadajir ugu dhisno,” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay maamullada la dariska ah u geysan doonaan.

Sidoo kale, madaxweynaha la doortay ayaa maamulka Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay inay soo dhaweeyaan maamulkoodan cusub ayna iskaashi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan, isagoo aan faahfaahin intaas badan bixin.

Axmed Macallin Fiqi oo ahaa murashaxii looga adkaaday doorashada wareeggeedii 3-aad oo isagana hadlay wuxuuna u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo horumarka ay doonayaa shacabka Gobollada dhexe ku nool, afarta sano ee soo socootana la gaarsiiyo meel wanaagsan.

Dhanka kale; Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa isna waxaa loo doortay, Maxamed Xaashi Cabdi oo isna isla goobta lagu doortay lagu dhaariyay, wuxuuna hadal uu jeediyay ku sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta deegaanka iyo sidii maamulku uu howlaha horyaalla u fulin lahaa.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay ee Galmudug oo ay si aad ah isugu dhow yihiin madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu soo noqday Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, inkastoo uu sannad ka hor iska casilay xilka wasiirka Amniga, kaddib markii ay dhaceen weerarro khasaare badan dhaliyay oo ay mas’uul ka ahayd Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxay uga duwanayd maamulladii horay loo dhisay in madaxweynaha ay doorteen xildhibaanno ee aysan dooran ergooyin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya