4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2015
Guuleed Guuleed & Axmed Fiqi oo Isugu soo haray Wareega 3-aad ee Doorashada Galmudug

Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Wareegga saddexaad ee doorashada madaxweyne ee Galmudug, ayaa waxaa isugu soo haray musharaxiinta kala ah; Axmed Macallin Fiqi iyo C/kariin Xuseen Guuleed, kaddib markii uu wareeggii labaad ku haray Axmed C/salaan oo ka qaybgalay doorashada wareeggeedii labaad.

Murashaxiintii saddexaad ahaa ee isku arkay doorashada wareeggeedii labaad ayaa waxay kala heleen codad kala fog, iyagoo u kala helay sidan: Axmed C/salaam Xaaji Aadan oo helay 15-cod, C/kariin Xuseen Guuleed oo helay 42-cod iyo Axmed Macallin Fiqi oo helay 32-cod.

Doorashada wareeggeedii saddexaad ayaa billowday, iyadoo labada murashax ee isku soo haray ay ku jiraan xod-xodasho dhanka codadka ah, si ay ugu soo baxaan doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Wareegga saddexaad ee doorashada ayaa ah kan ay labada murashax ku kala bixi doonaan; iyadoo murashaxii ku guuleysta uu noqon doono madaxweynaha Galmudug hoggaamin doona sannadaha soo socda.

Haddaba sida ay doorashadu ku dambeyso waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya