4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
Wareega 2-aad ee doorashada Madaxweynaha Galmudug & Sadex Murashax oo Isugu soo Haray


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Wareeggii koowaad ee doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo murashaxiintu ay kala heleen codad kala duwan, balse ay qaarkood aad isugu dhawaayeen.

Natiijada doorashada ayaa Murashaxiintu u kala heleen; Axmed C/salaam Xaaji Aadan oo helay 12-cod, Axmed Macallin Fiqi  oo helay 29-cod, C/kariin Xuseen Guuleed  oo helay 29-cod, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo helay 6-cod, Maxamed Cilmi Afrax  oo helay 10-cod iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo helay 3-cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa wuxuu ku dhawaaqay natiijada, isagoo xusay inay wareegga labaad ee doorashada isugu soo hareen saddexda murashax ee ugu codka badan, kuwaasoo kala ah; Axmed C/salaam Xaaji Aadan, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macallin Fiqi.

Saddexdan Murashax ayaa haddii ay kala bixi waayaan, waxaa wareegga saddexaad ku tartami doona labada murashax ee ugu codka badanaada, iyadoo doorashada ay goobjoog ka yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaaliya.

Wixii kasoo Kordha Doorashada Waxaad kula socon Doontaan Wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya