4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo goor-dhow ka billaabatay Magaalada Cadaado


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Waxaa Goor-dhow ka billaabatay Hoolka Shirarka ee degmada Cadaado doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay ku tartamayaan lix murashax.

Xubnaha ku tarrtamaya xilka madaxweynaha waxay kala yihiin;  Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid), Axmed C/salaam Xaaji Aadan, Axmed Macallin Fiqi, C/kariin Xuseen Guuleed, Maxamed Cilmi Afrax iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

Doorashada oo ah cod qarsoodi ah ayaa waxaa codadkooda ka dhiiban doona 89 mudane oo uu ka kooban yahay, iyadoo la diiday dhaq-dhaqaaq inta ay socoto doorashada, iyadoo sidoo kalena la joojiyay in mashaxarado la sameeyo inta ya doorashadu socoto.

Codadka lagu kala baxayo ayaa lagu sheegay inay tahay 50+1, taasoo u dhiganta in 45-cod murshaxii hela uu si ramsi ah u noqonayo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqi doona natiijada kama dambeysta ah ee doorashada iyo cidda kusoo baxda, iyadoo la isugu soo bixi doono wareegyada labaad iyo saddexaad, iyadoo wareegga labaad ay isugu soo bixi doonaa saddexda murashax ee ugu codka badan, halka kan saddexaadna ay isugu soo bixi doonaan labada murashax ee ugu codka badan.

Wixii ku saabsan doorashada oo codeynteedu ay billaabatay waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya