4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 4 , 2015
SAWIRRO: Xildhibaan Al Franken oo Afur u sameeyay Culummada ku nool Gobolka Minnesota


Sabti, Luuliyo 04, 2015 (HOL) — Al Franken oo ah Senator Laga soo Doorto Gobolka Minnesota ayaa kulan afur ah u qabtay culummaa’u’ddiinka Muslimiinta ah ee ku nool Gobolka Minnesota, kulankan oo ka dhacay Xarunta ADC maqaayada Afro Deli.

Xildhibaan Al Franken ayaa uga horreyn uga warramay culumadda arimaha la xiriira Xawilaadaha Soomaalida, shaqada uu xafiiskiisa ka qabtay walina uu dhinac taagnaan doono inta laga helayo Bankiyada Maraykanka inay xawaaladaha dib ula shaqo billaabaan.

Kulankan oo ahaa mid aqoon is-weydaarsi ah ayaa waxyaabihii looga dooday waxaa ka mid ahaa barnaamika CVE oo ah barnaamij ay Dowladda Maraykanku ugu talo-gashay in looga hortago xagjirnimada, waxuuna Senatorku weydiistay bal inay uga warramaan Arigtidooda ku aaddan barnaamijkaas oo ahaa qaybtii ugu dheereyd ee kulanka.

Arrintan waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Sheekh Cabdisalam Aadam iyo Sh. Axmed Taajir oo muujiyay dareenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee barnaamijkaas.

Waxaa kaloo looga hadlay kulanka Arrimaha dhallinyarada Soomaalida ee ku biiraya dagaallada Siiriya iyo Ciraaq ka jira ee Ururka ISIS in Wacyi-galin badan laga sameeyo loona isticmaalo wax walba oo dhallinyarada lagu gaarsiin karo sida bogagga Arrimaha Bulshada.

Dhanka kale, Abdullah Kiatambu oo kasoo jeeda dalka Laybeeriya ayaa ka hadlay in dadka qaar lagu dhibo garoommada diyaaradaha dalka Mareykanka marka loo arko magacooda inuu ka duwan yahay dadka kale.

Ugu dambeyn, Kulanka oo ah Sannadkii labaad ee Senator Al Franken wuu afur u semeeyo culummadda Gobolka Minnesota, waxaana hadalkii ka yiri kulankan Sh. Cabdirisaaq Xaashi oo ka codasaday in laga wado hadlo arrimaha dhallinyarada is-dilaaya ee ka jira Gobolkan Minnesota, kuwaasoo sannadkan maraya illaa shan dil.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota