4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
WARBIXIN: Mareykanka oo la Sheegay in Dalka Somalia uu ku leeyahay Saldhigyo Qarsoodi ah


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Warbixin lagu Daabacay Wargeyska Foreign Policy oo Xaruntiisu tahay Maraykanka ayaa looga hadlay saldhigyo dhowr ah oo Maraykanku uu ku leeyahay gudaha Somalia; kuwaasoo loo adeegsado howlgallo gaar ah oo lagu beegsanayo Hogaamiyeyaasha Al-shabaab iyo Al-Qaacida ee la Aaminsan yahay inay joogaan Geeska Afrika.

Warbixintan oo uu qoray wariye ka tirsan wargeyska oo lagu magacaabo, McCormick ayaa lagu sheegay in Saldhigayada Maraykanka ee Somalia oo ah kuwa Qarsoodi ah ay Qabtaan howlo ay ka mid yihiin; Basaasidda iyo beegsiga Hogaamiyeyaasha sare ee Al-shabaab iyo Ajaanibta ka dhinac-dagaalama, iyadoo la Adeegsanayo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka.

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa sheegay in Saldhigyada ugu Waa-weyn uu Maraykanku ku leeyahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose iyo Garoonkii Ciidamadii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose.

Wuxuu Sarkaalkan oo warbixintu xiganayso uu xaqiijiyay in xeryahaas ay ku sugan yihiin saraakiil iyo ciidammo Maraykanka ah; isagoo raaciyay in mararka qaar laga duuliyo xer-yahaas diyaaradaha Drones-ka ah ee aan duuliyaha lahayn.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in saldhigga Maraykanku ku leeyahay Kismaayo uu yahay kan ugu weyn ee qabta shaqooyinka ay ciidamadan fuliyaan. Wuxuuna leeyahay Garoomo ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno UAVs.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Ciidamada Maraykanka ee Saldhigyadaas ku sugan ay mararka qaar sameeyaan howlgallo lugta ah iyagoo la socda ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ruux magaciisa sababo amni loo qariyay oo Wargeyska Warbixintan daabacay la hadlay ayaa yiri. “Ciidammo Maraykan ah ayaa mararka qaarkooda howlgallada nagu wehliya; inta badan nooma soo sheegaan waayo nama aaminsana.”

Foreign Policy ayaa Warbixintiisa ku Xusay in Qiyaastii 120 Sarkaal oo Maraykan ah ay xilligan joogaan Somalia, kuwaasoo 40 ka mid ah ay warbixintu xustay inay inay qaabilsan yihiin arrimaha sirdoonka iyo dagaallada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah.

Xeryahan ayaa la sheegay inay deggen yihiin ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka socda, iyadoo xeryahan qaarkood lagu tababaro ciidammo Somali ah; Xerada Balli-doogle ayaa la xusay in lagu tababaro ciidamo gaar ah oo Soomaaliyeed, iyadoo ay sidoo kale ka socdaan shaqooyin kale oo aan carrabka lagu dhufan.

Chuck Prichard, oo ah Afhayeenka Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Jooga ee AFRICOM oo arrintan ka jawaabayay ayaa sheegay in tiro yar oo saaraakiil ah ay Somalia ka joogaan; kuwaasoo uu xusay inay shaqadoodu tahay tababaridda Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Waaxda Gaashaandhiga waddanka Maraykanka ayaa dhankeeda dafirtay inay Somalia ku leeyihiin saldhigyo qarsoodi ah oo ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog-fog laga hago.

Xukuumada Washington ayaa ku Adkaysanaysa in Diyaaradahooda ka Howlgala Gobolka ee baadi-goobka ku haya Hoggaamiyeyaasha kooxaha Argagixisada ah ay ka duulaan Sal-dhigyo ay ku leeyihiin dalalka Somalia dariska la ah sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Duqeymaha Maraykanku ka geystay Somalia tan iyo sannadkii 2007-dii ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay tiro ka badan 100-qof oo Somalia ah, kuwaasoo inta badan la sheegay inay yihiin Hoghaamiyeyaal ka tirsan Al-shabaab iyo Ajaanib ka barbar-dagaalamayay.

Ugu dambeyn, dowladda Mareykanka ayaa sannado badan taageero dhaqaale oo aan kala go’ lahayn siinayay Ciidamada AMISOM ee caawinaya dowladda Somalia, iyadoo lacagta ay siiyeen lagu qiyaasay 1-billion oo doollar si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya