4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
Boko Haram oo 150 Ruux ku dishay Deegaanno ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Nigeria


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Maleeshiyo la Rumeysan yahay in Boko Haram ay ka tirsan yihiin ayaa lagu soo warramayaa in dad ku dhow 150 qof ay ku dileen Weerarro ay ka geysteen Gudaha Waddanka Nigeria.

Weerarradan oo toddobaadkan ka dhacay Waqooyi-Bari ee Nigeria ayaa waxaana ku naf-waayay dad badan oo rayid ah, iyadoo aysan jirin wax iska-caabin ah oo ay kooxdan kala kulantay ciidamada Nigeria ee deegaannada la weeraray ku sugan.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in weerarkii ugu horreeyay uu ka dhacay meel ku dhow Webiga ku yaalla soohdinta kala qaybisa dalalka Nigeria iyo Chad gellinkii dambe ee Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana lagu dilay 97-qof oo u badnaa haween iyo caruur.

Boko Haram ayaa waxay Talaadadii toogasho ku dishay 48-qof oo rag ah, kuwaas oo la sheegay inay kasoo baxeen Salaad. Waxaana wararku intaas ku darayaan in ay sii daayeen haween iyagana kasoo baxay majidka.

Ugu dabeyn, weerarradan ayaa imaanaya xilli lagu guda jiro Ramadaanka, iyadoo kooxda Boko Haraam ay inta badan ku doodo inay Nigeria ka hirgeliyaan xukun Islaami ah, waxaana dadka lagu dilay weerarradan lagu sheegay inay dhamaantood ahaayeen dad muslimiin ah.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Boko Haram oo xiriir dhow la leh Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxay u muuqataa inay si weyn ugu firfircoon yihiin dalka Nigeria, xilli madaxweynaha dalka Nigeria Mohammedu Buhari uu wacad ku maray markii la doortay inuu tirtiri doono Boko Haram.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya