4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
Munaasabad Lagu Xusay 53 Sano Guuradii Xorriyadda Burundi oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu xusay 53-guuradii kasoo wareegtay markii ay xorowday Burundi ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo Xuskaas ay ka Qayb-galeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyadoo xuskan ay soo qabanqaabisay safaaradda dalka Burundi ay ku leedahay Soomaaliya.

Safiirka Burundi ee Somalia, Joseph Nkurunziza ayaa ku dheeraaday halgankii ay u soo galeen shacabka Burundi inay xorriyadooda ka qaatana dalka Belgium-ka oo ku haystay gumeysi, isagoona xusay inay ka go’an tahay taageerada nabadeyna ay ka geysanayaan nabadeynta Soomaaliya.

“Bulshada Burundi waxay fahamsan yihiin muhiimadda ah in walaalka loo gurmado marka uu gurmad u baahan yahay, Waana taas sababta ay ciidankeennu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxay istaahishaa nabad iyo xasilooni in dadkeedu helaan. Waxaan sii wadi doonaan dhiigga ay wilasheena reer Burundi u hurayaan dalkooda labaad ee Soomaaliya,” ayuu yiri Safiirka Burundi ee Somalia.

Wasiirka Difaaca Somalia, Jen.. C/qaadir sh. Cali Diini, ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Burundi, isagoo dhianaca kale uga Tacsiyeeyey Askartii uga Geeriyootay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa isna hambalyo u diray shacabka Burundi, wuxuna sheegay in Dowladda Burundi iyo shacabkeeduba ay u soo gurmadeen Somalia waqti adag oo ay taageero taageero u baadnayd.

“Aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burundi ee dhanka Amniga. Ciidamada Burundi waxay safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidamadeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxay habeen iyo malinba u taagan yihiin sidii cadowga looga sifayn lahaa goobaha ay dalka uga harsan yihiin, bacdamaa ay khatar ku yihiin Somalia iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonnaa sidii xiriirka labada dala loosii adkeyn lahaa,” ayuu yiri Maxamed Carte.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Somalia wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illaawi  doonin taageerada ay dowladda iyo shacabka Burundi u fidiyeen xilli adag oo taageero loo baahnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya