4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 3 , 2015
DANJIRE SIDIKOU: Ma jiro dhul ay AMISOM kasoo baxday oo ay Shabaab dib ula Wareegeen


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika, isla markaana ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in aysan jirin dhul ay ciidamada AMISOM kasoo baxeen oo ay dib ula wareegtay Al-sabaab, isagoo wararka arrintan ku saabsan ee maalamahan la isla dhexmarayay ku tilmaamay kuwo ku-tiri-ku-teen ah.

Danjire Sidikou ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay weli ku sugan yihiin gabi ahaan deegaannadii iyo goobihii ay horay ugala wareegeen Al-shabaab, aysanna ogolaanayn marna in Al-shabaab ay kusoo laabato, si nabadda u carqaladeyso.

“AMISOM iyo ciidanka dowlada Somalia ayaa sii wada qorshayaashooda ah inay gaaraan deegaanno kale oo cusub, waxaana goobihii ay horay uga qabsadeen Al-shabaab dib ugu soo laabanaya amniga, kala-dambeynta, iyo ballaarinta adeegga ay bulshadu u baahan yihiin 8%,” ayuu yiri darnjire Sidikou.

Sidoo kale, danjiraha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inaan la baqdin gelin si ay deegaannadooda uga cararaan, balse ay kalsooni qabaan, isagoo hadallada la faafinayayna ku tilmaamay kuwo lagu xumeynayo sawirka AMISOM.

Ugu dambeyn, danjire Sidikou ayaa xusay in ciidamada AMISOM ay ka go’an tahay inay ka caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xoojinta amniga guud ee dalka iyo dib u soo celinta xasilloonida. Welina ay go’aankaas ku taagan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Danjire Sidikou ayaa kusoo beegmaya xilli habeen hore ay ciidamada AMISOM kuwa dowladda Somalia isaga soo baxeen degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya