4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
Murashax u Tartamaya Xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Gaaray Magaalada Cadaado

Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Iyadoo degmada Cadaado ay ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa halkaas gaaray Musharaxa Madaxweyne ku xigenka maamulka Gobollada Dhexe, C/laahi Bashiir C/nuur (Ducaale) oo ah siyaasi lasoo shaqeeyay dowladihi dalka soo maray.

Munaasabad ballaaran oo ay kasoo Qayb-galeen qaybaha bulshada iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, Baarlamaanka Galmudug, Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale ayaa Musharax C/llaahi Bashiir (Ducaale) wuxuu ku shaaciyay Musaraxnimadiisa, isagoo ballan-qaaday haddii uu ku guuleysto xilkaas in uu wax badan ka qaban doono deegaanada Gobollada Dhexe.

Xubnihii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa iyaguna ka jeediyay Khudbado ay ku muuji-nayeen taageerada ay u hayaan murashaxa madaxweyen ku xigeenka, isla markaana inuu yahay nin u qalma qabashada xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

“Waxaan taageersan-nahay musharaxan oo ah nin aqoon u leh xilka uu isku soo taagay, waan hubaa inuu kasoo bixi doono shaqadiisa haddii uu ku guuleysto, si dhow ayaan ula shaqayn doonnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Cabdi oo madasha ka hadlay.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa cadeeyey inay codkooda siin doonaan musharaxan maadaama ay ku qanceen qorshaha uu soo bandhigay oo ah mid anfaca guud ahaan deegaanada maamulka loo sameynayo.

Dhanka kale, Musharax Mudane C/llaahi Bashiir ayaa shalay khudbaddiisa murashaxnimo jeediyay, wuxuuna soo bandhigay Qorshayaashii ku aaddan mustaqbalka dhow iyo midka fog ee ku doonayo deegaanadan maamulka loo sameynayo inuu ku hago haddii la doorto, gaar ahaan, ammaanka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, dib u heshiisiinta, caafimaadka iyo waxbarashada.

Ugu dambeyn, Musharaxa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdullaahi Bashiir Cabdi Nuur (Ducaale) ayaa ka mid ah xubnaha ugu cad-cad ee u taagan xilkan, wuxuuna sheegay in haddii uu qabto xilkan uu wax badan u qaban doono bulshada ku nool Gobollada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya