4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
Dowadda Somalia oo Diyaarinaysa goob lagu dajiyo Conteenerada oo ka baxsan Dekedda Muqdisho


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Shirkii Golaha Wasiirrada Somalia ay shalay yeesheen ayaa waxaa looga hadlay  balaarinta habsami u socoka Dekedda Muqdisho, Imtixaanaadkii la qaaday bishii hore bartamaheeda iyo Ra'iisul Wasaare kuxigeenka oo ka warbixyey shir looga hadlayey maalinta agoonta oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Ugu horayntii Raysal Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa golaha uga warbixiyey kulan maanta laysugu keenay qaar ka mid ah agoomaha ku xaraysan xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku xanaaneeyaan Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) iyo Qadar Charity oo gacanta ku haysa in ka badan 10,000 oo Agooma ah.

“Maanta waxaan ka qayb galay kulan aad u qiimo badan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Qadar Charity oo gacan weyn ka gaysta daryeelka iyo waxbarashada Agoonta, waxaana kulankani ahaa xuska maalinta agoonta Islaamka oo ku began sanad kasta 15-ka Bisha Ramadaan, waxaana kulan ka soo qayb galay caruur Agoon ah oo dareenkooda ku cabirayey suugaan iyo khudbado ay goobta ka jeedinayeen, Waxaan ku wargalinayaa wasaaradaha ay arintaan khusayso in ay kaalintooda ka qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelkooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waxaana golaha u soo jeedinayaa in shakhsiyan ay uga qayb qaataan kafaalo qaadida agoonta, sidoo kalana khamiista soo socota waxaa golaha looga doodayaa siyaasad ku wajahan Agoonta si kor loogu qaado daryeelkooda loona muujiyo kaalinta dowladu ay ku leedahay gacan qabashada dadka dan yarta ah," ayuu yiri mudane Carte.

Dhanka kale Wasiirka Dekedaha iyo Gadiika Badda Nuur Faarax Xirsi ayaa golaha soo hordhigay soo jeedin ku aadan baahi loo qabo in la helo Deked Qalalan "Dry Port, si culayska siyaadaha ah ee hada ka jira dekedda weyn ee Muqdisho loo yareeyo, lana hormariyo adeegyadeeda.

“Waxaa jiray codsiyo loo gudbiyey wasiiradii iga horeeyey, kuwaas oo dhamaantood qeexaya baahida loo qabo in lahelo Deked Qalalan "Dry Port"  taasoo laga hirgalinayo meel ka baxsan Dekedda si Conteenarada imaanaya loogu xareeyo, badeecooyinka looga dajiyo wixii la dhoofinayana looga soo raro, waxaana arinkaan horseedayaa in Dekeda howsheeda si habsami leh u qabsato, in Dekedu noqoto mid la tartami karta Dekedaha caalamka, in muwaadinin Soomaaliyeed ay ka helaan shaqooyin, iyo suurtagalnimada in halkaas lagu diyaariyo qaboojiyayaal waaweyn oo lagu kaydiyo khudaarta, Hilibka iyo Kaluunka dalka dibadiisa loo iib gaynayo" ayuu  yiri Wasiirku.

Ugu dambeyn, Wasiir-u-dowlaha Waxbarashada ayaa isna sheegay in Imtixaanaadkii ay wasaaradu horumuudka ka ahayd si wanaagsan u qabsoomeen, taasna ay tahay talaabo ay xukuumadu ku faani karto, waxaa xusid mudan in 25 sano markii ugu horaysay dalka laga qabto Imtixaan midaysan ee fasalka 12-aad, waxaana imtixaanka lagu qabtay 11 xarumood oo Muqdihso gudaheeda ah iyo 9 xarumood oo gobolada dalka, waxaa kaliya oo Imtixaankaan ka hirgalin gobolada Jubada Dhexe iyo Bakool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya