4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2015
Xiisado Khasaare Nafeed Geystay oo ka dhacay Tuulada Guumeys ee Waqooyiga Gobolka Sool


Jimco, Luuliyo 03, 2015 (HOL) — Xiisad Colaadeed Sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacday xalay tuullada Guumeys oo 90-KM Waqooyi kaga xigta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Rabshadan oo ay ku dhinteen laba nin inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhaawacmay dad aan la hubin, balse loo badinayo Afar ruux oo midi ay ahayd qof dumar ah.

Goob-jooge ku sugan tuulada Guumeys ayaa u sheegay HOL in waqtigii Afurka ay ka war-heleen rasaas dhacaysa, kaddibna uu arkay laba meyd ah iyo dad dhaawac ah, waxaanu intaa ku daray inaanu sheegi karin meesha ay salka ku hayso.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Yagoori oo ay tuuladani ka tirsan tahay, Iidle ayaa u xaqiijiyey HOL in dhibaatadaas dhacday ayna gaadheen ciidamo milateri iyo boolis isugu jira; kuwaasoo isku dayaya sidii aanay wax dambe u dhici lahayn.

Dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso ayaa kala daga Guumey iyo Oog oo isku jira wax ka yar 20-km. Marar badan Colaado Aanooyin ka billaabmaa ay dhinacyadan dhex-mari jiray, waana tan ay u badinayaan dadka intiisa badan iyadoo labada dhintay iyo dadka dhaawaca ah ay kasoo jeedaan deegaanka Oog.

Ugu dambeyn, deegaannada ay colaadu ka dhex-billaabatay ayaa wada ciidan urursi iyadoo xilligan ay dadka reer guuraaga ahi si aad ah isugu dhex-jiraan, taasoo sababi karta inay dhacaan colaado khasaare badan geysta.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool