4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
DHAGEYSO: Khudbadihii ay Qaar ka mid ah Murashaxiinta Xilka Madaxweynaha Galmudug


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Maanta ayaa waxaa magaalada Cadaado lagu Qabtay kulan ay khudbadahooda ugu jeedinayaan Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Gal-mudug Murashaxiinta u tartamaya Madaxweynenimada Galmudug.

Xubnaha Khudbadahooda aan idiin soo Gudbinayno Waxaa ka mid ah; Axmed C/salaam, Axmed Macallin Fiqi iyo C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo ka hadlay arrimo badan oo ay doonayaan inay qabtaan haddii xilka madaxweynenimo loo doorto.

AXMED C/SALAAN: Khudbaddii uu Murashaxa Axmed C/salaam Xaaji jeediyay ayuu kaga hadlay arrimo kala duwan, isagoo Sheegay inuu doonayo inuu wax ka Qabto haddii xilka madaxnimo loo doorto arrimo ay ka mid yihiin; wax ka qabashada nabadda iyo inuu wax ka qaban doono horumarinta deegaannada maamulku ka talinayo, wuxuuna xusay in dhibaatooyin badan ay soo mareen Gobollada Mudug iyo Galguduud 24-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Barnaamijka aan ku Hoggaamin doono Maamulkan Waxaa ugu Horreeya sidii ay u Heli lahaayeen deegaannada maamulku ka talinayo ammaan ballaaran, isla markaana la xoreeyo deegaannada la haysto, shacabka gobolka ku noolna ay cadaalad dhab ah helaan iyo inaan salka u dhigo adeegyada aasaasiga ah ee shacabka ku nool deegaannada ay u heli lahaayeen,” ayuu yiri Axmed C/salaam.

DHAGEYSO: KHUDBADII UU JEEDIYAY MURASHAX AXMED C/SALAAN;

AXMED FIQI: Khudbaddii uu jeediyay Murashax Axmed Macallin Fiqi ayuu isaguna ku sheegay in barnaamijkiisa siyaasadeed uu noqon doono inuu xoojinta maamulka Galmudug iyo inuu dhisayo xarunta baarlamaanka maamulka Galmudug iyo sidii ay Xildhibaannadu ay helaan Xuquuqdooda.

“Waxaan ballan-qaadayaa inaan horseed u noqdo ilaalinta Sharciga iyo Wada-tashi; taasoo noo horseedi doonta inaan tusaale u noqonno Ummadda aan hoggaaminno. Waxaana uusan shaki ku jirin in wada-shaqeynteena ay samata-bixin karto shacabka aan hoggaaminayno,” ayuu ku yiri khudbaddiisa Axmed Macallin Fiqi oo intaas ku daray inuu sugayo ammaanka guud ee Gobollada uu Maamulku ka Talinayo.

DHAGEYSO: KHUDBADII UU JEEDIYAY MURASHAX AXMED M. FIQI;

C/KARIIN GUULEED: Khudbaddii Murashax C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku Xusay inuu xoogga saari doono, xoojinta amniga Gobollada Mudug iyo Galguduud iyo Xoojinta Xiriirka kala dhexeyn doona dowladda dhexe ee Somalia.

“Sida aad la socotaan Shacabka deegaannada Maamulka Galmudug muhiimad aad u weyn ayay u leedahay inay amni helaan. Marka haddii aad i doorataan, Waxaana Ahmiyadayda Koowaad siin doonaa sidii aan u sugi lahaa Amniga deegaannada,” ayuu yiri Guuleed.

DHAGEYSO: KHUDBADII UU JEEDIYAY MURASHAX C/KARIIN GUULEED;

Ugu dambeyn, doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxay dhici doontaa 04-ta bishan July oo ku beeegan Sabtida ah, iyadoo Lix Musharrax oo keliya ay isugu soo hareen Tartanka doorashada xilka Madaxweynaha Galmudug, kuwaasoo kala ah; Axmed C/salaam Xaaji Aadan, Axmed Macallin Fiqi, Cabdi Xasan Caawale (Qaybdiid), C/kariin Xuseen Guuleed, Xasan Maxamed Cilmi iyo Xasan Maxamed Qalaad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya