4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2015
Xisbiga Kulan oo 50 xubnood oo cusub Maanta tababar uga Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 02, 2015 (HOL) — Xisbigu Kulan oo ka mid ah Asxaabta ka jira Dalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabtay Xaruntiisa dhexe ee Muqdisho Tababarkii Kowaad ee loo qabto Xubnaha Cusub ee Xisbiga Kulan, Xubnahaasoo tiradoodu ahayd 50 Xubnood. Tababarka Waxaa Qaban-qaabiyay - Xarunta Kobcinta Aqoonta iyo La talinta ee - Center for Capacity Building and Consultants.  

Gudoomiyaha xisbiga Kulan ee Gobolka Banaadir, Prof. Maxamed Macallin Cumar Meyre oo xafladda furitaan ka hadlay ayaa yiri. “Tababrkan wuxuu ugu horreeyaa tababarro loogu talo-galay xubnaha cusub ee Xisbiga, Waxaana lagu baranayaa;  Taariikhda Xisbiyada ka jira Somalia, Xeerka Xisbiga, Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga, Doorashooyinka iyo Waajibaadka laga rabo Xubnaha Xisbiga Kulan.”

Sidoo kale, Prof. Meyre ayaa intaa ku daray. “Tababarku wuxuu soconayaa 10 saacadood, waxaana Duruusta bixinaya Marwo Safiyo Abuukar Karaani, Mudane Axmed Gacal Cali (Carabow), Mudane Avv. Xasan Cali Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Gudoomiyaha Xisbiga, waanan u mahadcelinayaa.”

Intaa kaddib, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Muxyadiin Maxamed Xaaji oo isna furitaanka tababrka ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan kusoo dhaweynayaa Xubanaha cusub ee kusoo biiray Xisbiga Kulan, Waxaanan halkan uga u Mahad-celinayaa Xarunta Kobcinta Aqoonta iyo La-talinta oo soo Qaban-qaabisay Tababbarkan oo Hordhac u ah Marxallada Xisbiyada badan oo uu Dalku galayo; loogana Guurayo Hannaankii Awood-Qaybsiga ee ku dhisnayd Beelaha.”

Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) oo yiri. “Waxan Hambalyo ku aaddan Todobaadka Xor-riyadda sida; 26-ka Juun, 27-ka June iyo 01-da Luuliyo uga dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Intaa kaddib Tababarkan waa Xuska Saxda ah, si dalkeenu u helo hoggaan siyaasadeed oo tababaran. Dhawaan ayaana Tababarkan oo kale gobollada dalka ku baahin doonaa si loo helo kaadirin Xisbi.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya